Skip to main content

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boorama Oo Si Rasmiya Shaqo Oo Laga Bilaabay Run Wayga Ay Diyaaraduhu Soo Caga Dhigtaan

Boorama-(NK) Olole dib loogu caraqaadayo dhabada ay diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq eemagaalada Boorama ayaa maanta qabsoomay, hawlgalkan oo ahaa mid aad ubalaadhan ayaa waxa lagu bilaabay lacag qaadhaan ah oo ay soo direenhaween ku abtirsada gobolkan oo jooga qurbaha, waxana hawsha meesha kasocota booqday badhasaabka Awdal, Maayarka Boorama, Xildhibaano,odaydhaqameedyo iyo daneeyayaal kale. Ugu horayntii ayaa Caaqil Axmed Kaahin oo halkaasi ka hadlay uu umahadnaqay haweenka bixiyay qaadhaankan hordhaca ah waxana uu yidhi“Mahad badan ayay mudan yihiin gabdhaha qurbaha ku nool ee soo bixiyaylacagta maanta garoonkan lagu bilaabay dhismihiisa, runtii waxa uu ahaagaroonkii u horeeyay ee Somaliland ay yeelato, waxana ka socon jiraydhaqdhaqaaq badan, waa duugoobay oo waxa uu u baahan yahay in gudo iyodibadba la isugu tago oo loo guntado sidii dib loogu furi lahaa” Md. Saleebaan Sh. Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay intalaabadan ay gabdhaha guqbojooga ah ku soo taageereen garoonkan aytahay mid la doonayo in lagu baneeyo oo dhirta ka baxday wax lagagaqabto si loogu daydo, sidoo kale waxa uu carabaabay in garoonkan uuyahay mid halbawle oo ah oo faaiido u leh diyaaradaha mandaqadan isagagooshaya, waxana uu ku baaqay in xukuumadu ay u guntato sidii ay ugarumayn lahayd balnqaadkeedii ahaa inay garoonkan ka shaqaysiiso. Isuduwaha Duulista iyo Hawada ee Gobolka Awdal Md. Mustafe Maroodi ayaasheegay in garoonkan hawsha ka socota ay tahay mid balaadhan islamarkaana ay u gogol xaadhi doonto in Wasaarada Duulista iyo Hawadu aysoo dadajiso waxwalba oo qorshe ah oo ay ugu talo gashay dib u dhiskagaroonkan, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dayasho mudan yihiinhaweenka bilaabay ururinta qaadhaanka garoonkan. Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa xusay in iskaashigu uuyahay midka salka u ah waxqabadka waxana uu yidhi “Waa hubaal ooiskaashigu waxa uu ku dhisan yahay in dal iyo dibadba la isku xidhnaadooo wax la wada qabsado, waxa aan u mahadnaqayaa qurbojooga, oo hawshanbilawgeeda gogosha u xaadhay, sidoo kale waxa aan xukuumada dhexe kafilaynaa inay sidii ay horeba u balan qaaday garoonkan dhisto, anagunaka dawlad hoose ahaan wax walba oo kaalintayada ah waan ka qaadan doonaa. Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed ayaa isaguna yidhi “Waa hubaal inBoorama u baahan yahay garoon diyaaradeed, sababta oo ah waxa ka soodagaya dadka dibadaha ka imanay, waxa ay fududaynaysaa isku socodakamandiqada iyo arimo badan, sidoo kale waxa garoonka dhismihiisamasuuliyadiisa iska leh wasaarada duulista iyo hawada, sidaas oo aytahay sedex bilood ka hor ayay ahayd markii ay wasaradu u soo dirtayinjineero dib u eega garoonkan, waxana uu dhawaan ii sheegay Agaasimahaguud ee wasaarada oo aan la kulamay in wax walba ay gabogabo yihiinsidoo kalena ay hawsha garoonkan Boorama dhawaan bilaabi doonaan,sidaasi aawadeed waxa aan ku celinayaa in dalkani yahay mid curdin ah ooaanan xukuumada oo kaliya lagu halayn karin in garoonka la dhiso loonabaahan yahay in dal iyo dibadba la isku qaylo dhaansado oo la iskuguyimaado sidii aan u dhisi lahayn garoonkan” Si kastaba ha ahaatee dhawr bilood ayaa laga joogaa markii qaylo dhaantadib u dhiska garoonkan Aadan Isaaq ee magaalada Boorama dal iyo dibadbala is gaarsiiyay, hawlaha socdaana wali waa kuwo u baahan in dabada lagariixo, masuuliyada ugu badana waxa ay dusha ka saaran tahay WasaaradaDuulista iyo Hawada oo la sugayo waqtiga ay waysada u soo biyaysandoonto ee ay wax ka qaban doonto dib u dhiska garoonka diyaaradaha eemagaalada Boorama

source Gobonimo news
wariye Nuux kadiye

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash