Skip to main content

Maxaa kasoo baxay kulan Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia?

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan diirada lagu saaray qorshaha adeega Caafimaadka ee Aasaasiga ah, heshiis Millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Kulankan ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin looga dhegeystay Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna si gaar ah uga warameen sugida amniga ee magaalada Muqdisho Maalmaha Ciida, taasoo hay’addaha amnigu ay si weyn ula tacaaleen isla markaana ay ka hortageen falal ay maleegayeen kooxaha nabadiidka ah taasoo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ammaanka shacabka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa si gaar ah uga warantay howlgal ay ciidanka amniga ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqisho oo ay ku soo qababteen kooxo abaabul ugu jiray inay khal khal geliyaan amniga Masaajidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka, halkaasoo ay maalintii ciida ku dukadeen madaxda Qaranka iyo kumanaan shacab ah, waxaana kooxahaasi la dhigay xabsiga.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxaa warbixin u soo bandhigtay Wasiirka Adeegga Bulshada Drs. Maryam Khaasim Axmed, waxayna u soo bandhigtay shax ku saabsan qaab dhismeedka adeegga Caafimaadka ee Aasaasiga dalka, kaasoo ay ku bixin doonto Wasaaradda Adeegga qebteeda caafimaadka adeegyada lagama maarnmaanka u ah nolosha Bani’aadamka, waxaana qorshahani laga fulin doonaa 9 gobol oo wajiga hore ah, waxaana ka faa’iideysan doona kumanaan kun oo ruux.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa maanta meel mariyay heshiis ay dawladaha Soomaaliya iyo Talyaanigu kala saxiixdeen taariikhdu markay aheyd 17-kii September, kaasoo ku saabsanaa horumarinta dhanka Ciidamada, waxaana heshiiskan dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga Mudane Maxamuud Xaaji Faqi, waxaana heshiiskani uu dhigayaa tayeynta, qalabeynta iyo iskaashiga dhanka amniga iyo weliba cilmi baarista arrimaha Millateriga.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.