Skip to main content

Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyey miisaaniyada iyo Deynta Dowlada

Baarlamaanka Maraykanka ee Aqalka Kongareska (Congress), ayaa xalay ansixiyey in sare loo qaado Deynta loo ogolyahay Dowlada Maraykanka iyo waliba in la ansixiyo miisaaniyada billaha soo socda ee xukuumada.
Go’aankan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, isagoo sheegay in uu saxiixi doono go’aankan, isla markaana Baarlamaanka ugu mahadnahay qaadista xanibaada weyn ee ku timid xukuumada iyo dhaqaalaha Maraykanka.
Maanta oo ku beegan 17ka Oktober ayaa waxaa ku ekaa xiliga loo ogol yahay dowlada Maraykanka inay qaadato deynta oo gaartay meeshii ugu sareysay oo ku dhaw 17 Trillion oo dollar, Baarlamaanka Maraykanka ayaa hada sare u qaaday qiimahaasi loo jaan-gooyey deynta dowlada.
Shacabka Maraykanka ayaa si weyn ugu dhaliiceeyey Baarlamaanka Maraykanka diidmada ansixinta Miisaaniyada Xukuumada oo keentay in muddo 3 todobaad ah hakad galaan intii badneyd hawlihii dowlada Federaalka Maraykanka.

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...