Skip to main content

Somaliland Oo Dalab Qoraal Ah U Dirtay Dawladda Federalka Somalia

Hargeisa(N.K)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda federaalka Soomaaliya u dirtay Warqad qoraal ah oo ay kaga dalbanayso inay tixgeliso heshiishkii labada dhinac ku dhex-maray waddanka Turkiga wadahadal dalkaasi marti-geliyey ka dib.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Warqad qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, isla markaana ka dalbaday inay tixgeliso heshiiska ku wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkii Turkigaka ee ugu dambeeyey.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay u warramay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland(SLNTV), waxa kale oo uu ka hadlay guulaha Safarkii Turkiga uga soo baxay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland la yeelanayso dalka Turkiga.

Waxa uu Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Wareysigaas ku sheegay inuu Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya u diray Warqad uu kaga codsanayo inay tixgaliyaan heshiiskii ay la gaadheen Somaliland.

 

Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tilmaamay in Somaliland guulo wax ku ool ahi uga soo baxeen safarkii Madaxwaynaha ay ku wehelinayeen ee dalka Turkiga, isla-markaana laga wada hadlay sidii dawladda Turkigu ay xafiis diblamaasiyadeed uga furan lahayd Somaliland isla-markaana Somaliland xafiis kaasi la mid ah ugu yeelan lahayd dalka Turkiga.

 

Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ururka Midowga Afrika, waxaanu tilmaamay in Somaliland ku dedaalayso sidii ay Ururka Midowga Afrika ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland, maaddaama oo Somaliland buuxisay guud ahaan shuruudihii laga rabay dawlad madax-bannaan

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.