Skip to main content

Sidee Looga Ciiday Magaaladda Borama Ee xarunta gobolka awdal

 

 

 

(N.K:Borama) Si wayn ayaa guud ahaan gobolka Awdal, gaar ahaana magaalada Caasimada ah ee Boorama looga ciiday maanta, munaasabadan ciidal Adxa iyo tukashadii salaada oo ay dadwaynaha qaar ku tukadeen gudaha masaajida, halka ay qaar kalena kaga oogeen salaada goobo barxado ah ayaa waxa kala qayb galay madaxwaynihii hore ee Somaliland md. Daahir Rayaale Kaahin, wafdi wasiiro ah oo xukuumada ka socda oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir.


Ugu horayn maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed ayaa waxa ay salaam balaadhan oo ku aadan munaasabada Ciidal-Adxa u direen Madaxyanaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Marwadiisa, Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Iyo Marwadiisa, Shacabka Reer Awdal, kan reer Boorama iyo Umada Somaliland, waxana ay u rajeeyeen cimri dherer caafimaad qab, barwaaqo, bashbash iyo Ictiraaf Caalami ah inuu Eebe ku gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa.

Wasiirka Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir ayaa iyaguna sidoo kale salaam u diray gabi ahaanba umada reer Somaliland, gaar ahaana shacabka reer Boorama, madaxda qaranka iyo umadaha islaamka ah, waxana uu wasiirku xusay in Somaliland ay tahay qaran ku soo caano maalay nabadgalyo, loona baahan yahay in shacabku ay ku baraarugsanaadaan adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.



Ma ahayn intan oo kaliya balse dadwaynaha oo aan kala lahayn da’ iyo jinsi gaar ah ayaa ku labisnaa dhar aad u bilicsan, waxana ay booqanayeen qaraabadooda, goobaha lagu kulmo iyo goobaha kale ee caruurta lagu ciyaarsiiyo, waxana tani barbar socday in qaybo badan oo bulshada ahi ay maanta gawracayeen xoolo astaan u ah ciidan balaadhan ee Al-adxa.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.