Skip to main content

Maxkamada Maleesiya oo xukuntay in Erayga (ALLAH) ay Muslimka kaliya isticmaali karaan

Maxkamada dalka Maleesiya ayaa go’aamisay in Erayga ALLAH ay adeegsan karaan oo kaliya dadka heysta diinta Islaamka, kadib markii dood xoogan ka dhalatay adeegsiga Erayga AllAh oo ay qaar kamid ah dadka Kirishtaanka adeegsadaan.
Kaniisadaha ku yaal dalka Maleesiya ayaa qaarkood kutubtooda ku qoron afka Maleega ku qora erayga Allah oo ay u adeegsadaan tilmaamida Illaahay (swt).
Balse arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Muslimiinta oo sheegay in Eraygaasi uu yahay mid Islaami ah oo ay adeegsan karaan oo kaliya dadka muslimiinta ah. Waxayna sidoo kale sheegeen in adeegsiga Kirishtaanka ee eraygaasi uu yahay mid tashwiish lagu gelinayo dadka muslimiinta ah.
Dacwadan oo ay maxkamada Malesiya muddo dhageysaneysay ayaa go’aankii ay kasoo saartay sheegtay in Erayga Allah aysan adeegsan Karin dadka Kirishtaanka ah ama aan lagu qori kari qoraaladooda ay ku faafiyaan diinta Kirishtaanka

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...