Skip to main content

FAALO: Maxay Taariikhdu Ka Qortay Shirkada SHABA Ee Reer Boorama Ka Badbaadisay Biyo La’aanta?



{BOORAMAN.K}Taariikhdu waa mudan, waa jire markhaati ah oo ka marag kaca guulaha iyo guul darooyinka ay aadamuhu ku soo kordhiyaan dunida, hadaba Shirkada Adeega Biyaha Awdal ee magaceeda loo soo gaabiyo SHABA oo ah shirkad la aasaasay horaantii sanadihii 2000 ayaa ah mid taariikhdu xustay wax qabadkeeda iyada oo ku sifowday adeeg wanaag dhinaca biyaha ah iyada oo ay marag ma doon tahay inay Boorama ka haqab tirtay baahidii dhinaca Biyaha ahayd ee magaalada haysatay sanadihii 90aadkii.

Ka hor aasaaskii shirkada SHABA, Boorama waxa ay ahayd meel ay biyo la’aantu sal dhigatay isla markaana lagu xusuusto booyado biyaha lagu dhaamiyo iyo dadka oo caagado waawayn iyo foostooyin hor dhigi jiray guryaha hortooda si ay biyo u helaan, iyada oo biyaha la cabi jiray ay ahaayeen kuwo lagu soo dhaameiyay ceelasha afka furan eek u yaala dooxyada isla markaana caafimaad ahaan aanan marar badan wanaagsanaan jirin.

Waxa ay ahayd sanadkii 2003 markii laga midho dhaliyay shirar kala duwan oo ay yeesheen aqoonyahano, ganacsato iyo masuuliyiintii dawlada ee waqtigaas oo ay wehelinayeen oday dhaqameedyo isla markaana lagu heshiiyay in shirkada SHABA lagu wareejiyo biyaha Boorama si loo soo afjaro biyo la’aantii silica iyo saxariirta baday dad badan oo reer Boorama ah, isla markaana SHABA ay wacad ku martay inay maarayso ilaha biyaha ee Boorama si ay dadku ugu haqab beelaan biyaha oo ah aasaaska koowaad ee nolosha.

Aasaaskii Shirkada SHABA ayaa ahaa mid loo soo wada ban dhigay ganacsatada reer Boorama iyada oo ujeedadu ahayd in la muujiyo in dadku u siman yihiin shirkada isla markaana la dhiiri galiyo in ganacsatadu ay hormuud u noqoto haqab tirka baahida biyaha ee Boorama oo waqtigaas u muuqatay mid u baahan in la badbaadiyo, iyadoo shurduud laga dhigay in lacag dhan 150 kun oo doolar la dhigo Dahabshiil.

Bilawgii waxa dalbaday inay saamiyadaas ka qayb qaataan 73 qof oo ganacsato ahaa, waxana taariikhdu xustay in ganacsato badan oo reer Boorama ah oomarkii hore ogolaaday ay dib uga gurteen in ay hantidooda galiyaan SHABA, ganacsatadaas shikiga ka muujisay maalgashiga SHABA oo ay tiradoodu dhanayd 64 qof ayaa waxa loo aanayn karaa inay dib u gurtaan maadaama oo ay ku kalsoonaan waayeen inay shirkadu noqonayso mid midho dhalaysa iyo mid kale, hindisahaas maalgalinta biyaha Boramana uu ula muuqday mid KHAMAAR ah.

Ganacsato kooban oo aan maanta ku masali karo inay ahaayeen kuwo halgan u galay in Boorama biyo hesho oo ay ka badbaado baahidii biyaha ee halista ahayd ee magaalada haysatay ayaa noqday kuwo ku adkaystay inay dantooda ka hor mariyaan danta bulshada isla markaana ay hantidooda u huraan bulshada reer Boorama iyaga muujiyay niyad wanaag, calool adayg iyo talo saarasho Eebe.

Toban sano kadib SHABA iyo masuuliyiinteedii mudadii gurmadka loo baahnaa u gurmaday dadka reer Boorama waxa ay ka dhiseen shirkad dhinacyo badan ka dabooshay adeega bulshada Awdal ee dhinaca biyaha iyo adeega bulshada ee kaleba, waxana marag madoon ah oo u baahan in dib loo xuso waxyaabaha ay qabteen ee ay bulshada ku soo kordhiyeen kuwaas oo kala ah:

1. Inay SHABA dhistay hab iyo hanaan hufan oo biyaha Boorama lagu maamulo, suura galisayna in habka ay u socdaan hawl maalmeedka biyaha Boorama uu noqdo mid aan daqiiqad kaliya isataagin maadaama oo ay biyuhu yihiin baahida kaliya ee aanay aadamuhu ka maarmi karin daqiiqad kaliya
2. Inay SHABA reer Boorama ka haqab tirtay baahida dhinaca biyaha ah, iyadoo suura galisay in meesha ay ka baxaan booyadihii iyo kiyoosyadii laga dhaansan jiray biyaha, guri kasta oo Boorama ku yaalana ay u sahlanaatay in biyo galin lagu sameeyo.
3. Inay SHABA dayactir ku samaysy ceelashii biyaha ee jiray isla markaana dadaal xoogan u gashay sahanka biyo mustaqbalka ah iyo maalgalin lagu sameeyo qodida ceel cusub oo ay magaaladu ka cabto
4. Inay SHABA noqotay cashuur bixiye ku dayasho mudan oo si ay ka muuqato muwaadino u bixiso cashuur badan oo xaq ay ugu yeelatay xukuumada Somaliland.
5. Inay SHABA kaalin muuqata ka qaadatay kobcinta aqoonta mandaqadan iyada oo ku deeqday lacag miisaaniyad ah oo ay hesho Jaamacadda Camuud tan iyo aasaaskeedii, lacagtaas oo si joogto ah ay Jaamacadu u hesho si loo sii tayeeyo waxbarashada.
6. Inay SHABA ka qayb qaadatay bixinta qaadhdhaamada kala duwan ee loogu deeqayo dhismaha jidadka Awdal ee baryahan dambe sida xawliga ah u socda, iyada oo shirkadu u aragta taageerida dhismayaasha jidadka talaabo dhinaca togan ah oo loo qaaday hormarka.
7. Inay SHABA dalka Somaliland oo dhan u noqotay tusaale ku dayasho mudan oo laga soo dheeganayo hanaanka maamulka biyaha ah iyo ka faaiidaysiga khayraadka biyaha ee tirada yar iyada oo waayo aragnimadeeda la waadaysa kolba meesha ay baahi dhinaca biyaha ahi ka jirto ee dalka oo dhan
8. Inay SHABA bixisay tababaro iyo cashaqo aqoon korodhsi ah oo la siiyay degmooyinka gobolka gaar ahaan Lughaya iyo Saylac oo ku hamiyay inay u guntadaan sidii ay uga bixi lahaayeen biyo yaraanta haysata isla markaana ay ugu dayan lahaateen, hanaanka laxisaabtanka iyo sal-cadaantaku dhisan ee loo maareeyo biyaha.
9. Inay SHABA suura galisay in Boorama ay noqoto meel marka uu muwaadinka reer Somaliland xasuusto biyo ay niyada kaga soo dhacdo Boorama, oo marar badan ay u baxday halhays odhanaya “dadkeedu waxa ay ku maydhaan labada gacmood” kaasi oo xikmada ku jirta ee ka dambaysaa ay tahay in la qiray in SHABA ay habeeniyo maalin u soo jeedo sidii ay dadkeedu uga haqab-beeli lahaayeen baahida dhinaca biyaha ah.

Si kastaba ha ahaatee SHABA waa ilays iyo iftiin u bildhaamay dadka reer Boorama loona baahan yahay in la sii shido lagana dhawro hantaaqada iyo dib u dhaca, iyada oo ay waajib tahay in Eebe loogu shukriyo sida uu bilshadan reer Awdal ugu soo diray bahda SHABA ee hogaanka haysa isaga oo EEBE WAYNE ku ilhaamiyay inay gartaan meesha baahidu ka jirto noqdaana kuwo u guntada sidii ay u gufayn lahaayeen, bulshadana uga dhigi lahaayeen mid ka baxda baahidii dhinaca biyaha ee jirtay.

Ugu Dambayntii waxa aan leeyahay qofka shalay shilinkiisa u quudhi waayay inuu bulshada ku badbaadiyo maanta waxba ma soo sidide ka daa oof wareenka, SHABA iyo Masuuliyiinteeda maalintii loo baahnaa guradka u gurmaday umadooda ee ku sifoobay muwaadinka dhanta ah ee loo han wayn yahay isla markaana ay taariikhda been ma sheegtada ahi qortay oo qirtay waxqabadkiisa.


Qalinkii:
Abokor Xasan Caafi
Boorama

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g