Skip to main content

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Talooyin Iyo Go`aamo Ku Ansixiyey Miisaaniyada Sanadeedka 2014-Ka Hay`addo Dawlada Ka Mid Hakiyey Miisaaniyadoodii. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Golaha-Wakiilada-Somaliland-Oo-Talooyin-Iyo-Goaamo-Ku-Ansixiyey-Miisaaniyada-Sanadeedka-2014-Ka-Hayaddo-Dawlada-Ka-Mid-Hakiyey-Miisaaniyadoodii.






Hargeysa(Nuux kadiye)Okt.13, 2013-Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah  ku meel mariyey miisaaniyada sanadeedka 2014-ka oo ay Goluhu ka doodayeen mudo todobaadyo ah Golaha  ayaa go’aamo iyoTalooyin ku Lifaaqay Miisaaniyadda 2014-ka ee ay maanta Ansixiyeen, go’aamadaas oo ay ku hakiyeen qaar ka mid ah Miisaaniyadaha Hay’addaha Dawladda qaarkood oo ay saluugeen kharashaadka ay hay`adahaasi adeegsadaan.
 GO,AANKA ANSIXINTA MIISAANIYADDA 2014
 Markaan eegnay qod 54 ee dastuurka faqradaha 1-4
Markaan eegnay qod 55 ee dastuurka Faq 1aad  oo tilmaantay: Golaha Wakiiladu waa uu ka doodi karaa, waxna ka bedeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go,aan golei
Markaan araganay qodo. 3aad   ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada JSL Faqradiisa 4aad
Marka Goluhu dhegeystay khudbadka ododroska miisaniyadda qaranka ee 2014 ee Wasiirka Wasaardadda Maaliyadda
Marka Goluhu dhegeystay Warbixinta Gudidda Dhaqaalaha , Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada ee ku saabsanayd odoroska Miisaaniyadda qarnka ee 2014 iyo soo jeedinta Gudidda.
Markuu Goluhu dhegeystay dooda mudanyaasha Golaha Wakiiladda ee odoroska miisaaniyadda  qaranka ee 2014 ee socotay laba maalmood
Markuu tixgeliyey soo jeedinta aqliyadda mudanyaasha ee Golaha
Waxa Goluhu gaadhay go,aamada  iyo talooyinka soo socda oo ka mid noqon go,aanka ansixinta miisaaniyadda qaranka ee 2014


Go,aamo
1. In hey,adaha ku jira miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2014 ee  aan Golaha
Wakiilada loo soo gudbin xeerarkii lagu aasaasay loogu soo gudbiyo Golaha  sagaashan (90) cisho gudahood,  Hey.adda aan lagu soo soo gudbin xeerkeedana la hakiyo sii deynta miisaaniyadeeda ilaa inta Golaha loo soo gudbinayo .
2. in miisaaniyadda laga saaro hey,adaha sharciyadooda ama muddo xileedkoodu dhamaaday sida Gudidda diiwaangaelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
3. In laga bilaabo odoroska miisaaniyadda 2015 la goboleeyo miisaniyadda dawladda dhexe.
4. in qaybta loogu talo galay mashaariicda horumarinta 2%  gobolada bari iyaga oo mashaariicysan ka muuaqato misaaniyadda qaranka laga bilaabo 2015.
5.  In lacagta loogu talo galay horumarinta wadooyinka la mashruuceeyo laguna muujiyo jaantus muujinayo lacagta wadooyinyka kala duwan looga  qoondeeyey
6. Inuu Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaaradda Maaliydu si sharaxaad dheeraad uu Golaha uga siiyo  baahida keentay abuurista Khasnadda Guud ee Qaranka  uguna iftiimiyo madax xigayaasha khasnadda Guud ee  Qaranka
7. Inuu  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranku   Golaha Wakiilada hor yimado si uu  sharaxaad dheeraad ah uga siiyo dakhliga deeqa caalamiga ( UK, Denmark) iyo mashaariicda laga maalgelinayo sanad miisaaniyadeedka 2014 taas oo dhan $ 13,500,000,=  ( saddex iyo toban milyan shan boqol kun dollar keliya)
8. In la ansixiyo siyaasadda misaaniyadda qaranka iyo odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2014 oo dhan Somaliland Shillings 1.267.033.716.000,= ( hal triliyan laba boqol lix iyo todoba bilyan, saddex iyo soddon milyan iyo todoba boqol lix iyo toban kun Somaliland Shilin).
Talooyin
Waxa kale oo iyana miisaaniyadda lagu ansixin doonaa talo soo jeedimahan oo ka soo baxay dooda mudanyaasha
1.  in siyaasadda miisaaniyadda qaranka ee 2015 mudnaan la siiyo wasaadaha  wax soo saarka sida xoolaha, beeraha , kalluumeysiga iyo deegaanka lana kordhiyo miisaaniyadooda.
2. iyada oo la eegayo heerka sicir bararka ee ka jira Somaliland in loo kordhiyo ciidamada qaranka iyo shaqaalaha 40% musharkooda sanad miisaaniyadeedka 2015.
3. in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, wasaaradda warfaafinta, TV ga Qaranka, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada  iyo Khasnadda Guud ee Qaranka.
4. In dhamaan hey.adaha madax banaan ay mid kasta muujiso waxay ku soo kordhiso misaaniyadda qaranka  si ay muuqato inay  qarankan wax tar u leedahay oo aanay noqon misaaniyadahoodu dhakhli iyo kharaj isku sar go,an oo keliya
Codeyn.
Mudanyaasha ogol go,aanka ansixinta miisaaniyadda Qaranka ee 2014 oo ka kooban go,aamada iyo talo soo jeedimaha golaha laga hor akhriyey Gacanta ha taageen
Mudanyaasha diidan in la ansixiyo misaaniyadda qaranka 2014 gacanta ha taageen
Mudanayaasha aamusay gacanta ha taageen

Ku dhawaaqis natiijada codeynta
Ogol
Diiday
Aaamusay
Gudoomiyuhu ma codeyn
Sidaas buu ku ansaxay go,aanka ansixinta miisaaniyadda qaranka  ee 2014 oo ka kooban go,aamo iyo talooyin
 Dhamaadka Kalfadhiga Caadiga ah ee Golaha
Maanta waxa dhamaaday kal fadhigii caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada JSL waxaan uu goluhu galayaa fasax sideed usbuuc ah oo ka bilaaba berri oo taariikhdu tahay 14.10.2013.
Nuux kadiye

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g