Skip to main content

War deg-deg ah: GAADHI KA MID AH BAABUURTA WEFTIGA WADADA CEERIGAABO OO KU GADOOMAY DULEEDKA GAR\'ADAG

weftigii balaadhnaa ee u sii jeeday Ceerigaabo ee uu hogaaminaayey wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka koobnaa Gudidii Dhawaan madaxweynuhu u magacaabay Hrgelinta Dhismaha Wadada Ceerigaabo oo saaka ka ambabaxay Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Burco ayaa iyaga oo ku sii jeeda Gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo waxa jidka kula Gadoomay gaadhi noociisu yahay Land Cruiser.
Shilkaasi gaadhi haba yaraatee wax dad ah oo ku dhintay ma jiraan marka laga reebo dhaawacyo furdud oo soo gaadhay dadkii saarnaa oo uu ka mid ahaa Oday Jaamac Saalax oo horena u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Wakhtigii Marxuum Cigaal oo isaga hada dib loogu soo celiyey Magaalada Burco.
Baabuurkan shilku ku dhacay oo sida ay noo xaqiijiyeen weriyeyaashii saarnaa Gaadhigaasi ay saarnaayeen 6 qof balse marka laga tago jaamac saalax ay intooda kale caafimaad qabaan marka laga tago dhaawacyo sahlan.
Shebekada Wararka ee Durdurnews waxa ay u ducaynaysaa intii shilkaasi wax ku noqotay in alle ka dulqaado oo ay caafimaad sareecana helaan weftiga intoda kalena ay nabadqab ku gaadhaan halkii ay u jihaysnaayeen wixii warar ah ee ka soo kordhana waanu idin la soo socodsiin doonaa
 hargeysa 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash