Skip to main content

“Mucaaridkii Waxay Ka Soo Hor Jeesteen In La Dhiso Waddooyinkii Dalka”Guddoomiye Aayar

(N.K:Hargaysa) Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa asaxaabta Mucaaridka ah ee dalka ku dhaliilay in ay caadaysteen falal ku lidi ah dib u dhiska wadooyinka iyo guud ahaan hormarka dalka ka socda ee ay xukuumadu wado, waxana uu tani badalkeeda soo dhaweeyay dhismaha iyo dib u hagaajinta jidadka dalka isaga oo shacabka ugu baaqay in la is barbar taago arintaasi oo la soo dhaweeyo.


Badhasaabka Boorame Mudane Cabdoo oo waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay dalka oo dhan ay ka wado oo ay ka socdaan horumar balaadhan oo dhinac walba leh, gaar ahaan dhinaca wadooyinka ah oo gobolka Awdal uu yahay midka astaanta u ah ee lagaga dayanayo hormarkaasi waxana uu yidhi “Waa hubaal in Boorama ay tahay meeshii bilawday in dadku wax qabsan karo oo wadooyinka la dhisto oo dalku isku xidhmi karo, iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay xukuumadu u xadhko xidhatay in dalka miyi iyo magaalaba ay isku xidho oo jidadka wax badan ka qabato, waxa ay ka bilawday jidka isku xidha Buro iyo Ceerigaabo, waxa u qorshaysan inay ku xijiso kan isku xidha Boorama iyo Saylac, waxa ay kab ku samaynaysaa kan isku xidha Dila iyo Kala-baydh.



Badhasaabku waxa uu dhaliil xoogan dusha ka huwiyay siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaridka ah oo uu xusay inay hormarka dalka qodax ku yihiin, waxa uu yidhi “Axsaabka Mucaaridka ah waxa ay ka soo hor jeesteen in wadooyinka dalka la dhiso, taasna looma baahnay, waxana ay ahayd inay taageeraan hadii ay dhaliil hayaana inay ka muujiyaan si loo saxo oo loo sii amba qaado dhismaha jidadka, laakiin looma baahnayn inay ka soo horjeestaan, waxana hubaal ah inaanu qarana jiri karin hadii aanu hormar jirin”



Mudane Cabdoo Axmed Aayar waxa kale oo uu intaa raaciyay “Runtii dadka leh cashuur baa la kordhiyay miyay u fiirsadeen qasaaraha baabuurta soo gaadha marka ay marayaan inta u dhaxaysa Dila iyo Boorama, taasi oo kun jeer ka badan saamiga cashuurta ah ee ay xukuumadu kordhisay si wax looga qabto wadooyinka dalka ee qalin daarka ka daaya hormarka dalka iyo dhismaha jidadka,”



“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa wadada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo dhismaheeda, sabata oo ah dalka magaalooyinkiisa kale badidoodu way isku xidhan yihiin, halka ay Ceerigaabo ka tahay meel ka go’an dalka intiisa kale loona baahan yahay in lagu soo xidho” ayuu yidhi Badhaasaabka Boorame Cabdoo Axmed Aayir, waxaanu intaa raaciyay “Saylacna way ku xigtaa oo way qorshaysan tahay in jidkeeda la dhiso, bulsho ahaan aan taageerno hormarkaas wadooyinka ee ay xukuumadu wado isla markaana aan barbar istaagno, oo gaar ahaan shacabka reer Boorama hadaan nahay oo aan bilawnay arinta ku dayashada jidadka ee dalka aan xukuumada isku barbar taagno inay ka midho dhaliso hormarka dhinaca wadooyinka ah ee ay xukuumadu wado” ayuu yidhi Badhasaab Cabdoo

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...