Skip to main content

Wasiirka Cadaalada Somaliland Iyo Agaasimihiisa Guud Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray Iyo Khilaaf Ka Taagan Wasaaradaasi Oo Furka Tuuuray.. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiirka-Cadaalada-Somaliland-Iyo-Agaasimihiisa-Guud-Oo-Dagaal-Gacan-Ka-Hadal-Ahi-Ku-Dhexmaray.

Hargeysa(Nuux.kadiye)Okt.13, 2013-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa saaka dagaal kii ugu adkaa xafiiska hoosta isaga soo xidhay isla markaana Gaw-da iska saaray iyadoo la waayay cid kala qabata.
Xogaha laga helayo Wasaaradda ayaa xaqiijinaya in khilaaf beryahanba wasaaradda ka dhex taagnaa sababay in labada Masuul maanta isku haad helaan isla markaana inta la ogyahay waxa khasaare soo gaadhay wasiirka oo la sheegay in Nabaro ay ku dhaceen.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labada Masuul isku dileen hase yeeshee waxa la filayaa in ay la xidhiidho arrimo maamul, balse ilaa hada midkoodna kamuu hadal dagaalkaas iyo waxa sababay.
Labada Masuul ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa ah laba Baar-qab oo midkoodna aanu Kaftamin waxaana la saadaalinayaa in ay isla jiidheen arrintaas.
Xaaladda oo isla markiiba la dambabasay isla markaana laga ilaaliyay in ay duusho oo warbaahinta gaadho awgeed ayay ugu suurtogeli wayday wargeyska Waaheen oo isla markiiba Goobta booqday in uu xog dheeraad ah ka helo.
Dhamaan Laamaha Wasaaradaasi ayaa lagu amray in aanay war bixin waxaana isla markiiba lala galay shir deg deg ah.

Wariye Nuux kadiye

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash