Skip to main content

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Kenya

R/wasaare Saacid, oo wareysi siinayay wargeyska The Standard, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay doonayso in ciidamada Kenya ay sii joogaan Soomaaliya.

R/wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatooyinka amni xumo ee ka taagan dalka Kenya.
“Aad ayaan uga mahadcelinaynaa ciidamada Kenya caawinta ay Somalia ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana doonaynaa inay sii joogaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu doonayo in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya iyo in kale.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhexeyso walaalnimo xooggan, uuna madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu kula talinayo inay dhabahaas hayaan.
Maanta oo ay bisha Oktoobar tahay 14 ayaa waxay ku beegan tahay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya laba sano ka hor, iyadoo dhowr jeer oo hore ay xukuumadda Soomaaliay ku baaqday in ciidamada Kenay ay dhibaatooyin ka geysteen magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin.
Weerarkii Westgate Mall:
R/wasaaraha ayaa dhanka kale waxa uu soo hadalqaaday weerarkii ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismaha ganacsi ee Westgate Mall, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin dadkii ku dhintay weerarkaas oo ay tiradoodu ahayd 67-qof.
Su’aal ahayd sida uu u arko hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Kenya oo ahaa in falalka ammaan-darro ee ka dhaca dalkiisa ay ku lug leeyihiin dad Soomaali ah, ayuu ra’iisul wasaaruhu kaga jawaabay in taasi aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in weerrarada ka dhacaya Kenya ay geysanayso Al-shabaab.

“Hadalka madaxweynaha Kenya waxaan u fahmayaa inuu yahay mid xanuun iyo walaac uu qabo ka dhashay. Al-shabaab dhammaanteen dhibaato ayay nagu haysaa, falalkooduna waa gobolka oo dhan ku reebay xanuun. Markii uu dhacay weerarkii Kenya waxaan wacay madaxweynaha Kenya, waxaana uga tacsiyeeyay dhibaatadii halkaas ka dhacday,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.