Skip to main content

Maayarka Borama Muxuu Ka Yidhi Falal Habeenadii Ugu Dambeeyey Ka Dhacay Gobolka Awdal.??

(N.K:Borama) Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falal habeenadii u dambaysay ka dhacday magaalada Boorama oo khalkhal galisay nabadgalyada, taasi oo ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada Boorama.



Maayarka magaalada Mudane Saleebaan ayaa waxa uu waalidiinta iyo waxgaradka magaalada Boorama ka dalbaday inay caruurta waaniyaan, isla markaana ay uga digaan falalka fool xumada ah ee waxyeelaya amniga iyo nabad gelyada, sidaasi oo kale waxa uu ka digay cawaaqibka ay la kulmi doonaan dhalinta falalkan foosha xun samaynaya hadii ay ka waantoobi waayaan.



“Waxaad ogtihiin waxa soo kordhaya maalmahan dame falalka ugubka ah ee ku lidiga ah amniga ee ay dhalinyaradu samaynayso, habeen hore waxa magaalada ka dhacay boob iyo burburin ganacsi iyo hantiyeed oo ay dhalinyaro isku gadooday ka samaysay xaafadaha sare ee magaalada, caruurtaasi waxa ay ka soo baxeen waa guryaheena, ilmo kastana waxa dhalay waalid, marka la soo qabto ilmaha waxa ka daba imanaya waalid, marka guriga loogu tagona waxa uu odhanayaa waalidkii waan xanuunsanayaa, arintaas ka gun gaadhideeda ciidanka nabadgalyada iyo maamulkuba way ku hawlan yihiin oo way socotaa” ayuu yidhi Maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo maanta ka hadal ka jeediyay munaasibaddii Ciidul Udxa.



Maayarka Boorame waxa uu bulshada reer boorame ku booriyay gaar ahaan waalidiinta in ay waaniyaan oo ay la taliyaan caruurta isla markaan aya la socdaan waxyaabaha ay samayayaan caruurtu, waxaanu yidhi “Caruurta aan waanino oo aan wax u sheegno oo aan ogsoonaano in dhib ay waalidka ugu filan tahay inta ay ka nixinayaan ee ay wax dhibaato ah oo ka fog u soo jiidayaan. Waa arin masiibo ah ee aan ka ducaysano inaanay nagu soo noqon, caruurteenana aan u ducayno oo aan kala dagaalano dhaqan xumada.”



Ugu Dambayntii Maayar Saleebaan waxa uu xusay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ay ku cadaato in falkan burburka dhaliyay ay ka qayb qaadatay sidoo kalena waxa uu ka digay in falkii habeen hore dhacay oo kale uu dib u soo laabto “Waxa aan ku baraarugsanahay ilaalinta amniga una dulqaadan mayno cid kasta oo fal aminiga duraya ku dhaqaaqaysa” ayuu yidhi Maayar Saleebaan.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.