Dowlada Filibiins ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay hada mareyso 10 kun oo qof kadib duufaantii ugu xooga badneyd taariikhda oo ku dhufatay shalay dalkaasi Filibiin.
Dadka intiisa badan ayaa u dhintay burburka guryaha iyo waliba dad badan oo biyaha la tageen, kadib markii duufaantan ay cagta marisay 80% guryihii ku yaalay gobalka Leyte ee dalkaasi Filibiin.
Dowlada Filibiin ayaa sheegtay inay wado gurmad ay ugu gargaareyso dadka badbaaday iyo kuwa dhaawaca ah, iyadoo caalamka laga codsaday inay u gurmadaan wadanka Filibiin oo ay khasaaro aan lasoo koobi Karin kasoo gaartay duufaanta Haiyan.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah