Skip to main content

Berlusconi oo Baarlamaanka Talyaaniga laga cayriyey


{.K}Waxay ahayd daqiiqadihii u danbeeyey ee Silvio Berlusconi isku dayey in uu badbaadiyo mihnadiisa siyaasadeed oo uu inta badan cimrigiisa ku jirey. Berlusconi ayaa horey loogu xukumey in uu galay denbi dhanka canshuuraadka ah.

Aqalka Senetka ayaa maanta u codeynaayey in la soo afjaro doorka siyaasadeed ee Berlusconi iyo in uu helo fursad kale, Senators-ka ayaa u codeeyey sidii la filaayey waxayna banaanka ka dhigeen Berlusconi Baarlamaanka iyada oo laga xayuubiyey Xildhibaanimadii, taas oo meesha ka saareysa xasaanadii iyo maamuuskii uu lahaa isla markana keeni karta in lagu soo oogo denbiyo badan oo ay ka mid tahay gabdaha yar-yar ee lagu eedeeyey in uu la faro ciyaarey.
Dhawr kun oo qof oo ka tirsan Xisbiga Froza Italia ee uu asaasey Silvio Berlusconi ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee Palazzo Grazioli magaalada Rome, si ay u dhegaystaan khudbado lagu dhaliilayo xukunka lagu ridey hoggaamiyahooda.
Berlusconi ayaa shega in ay maanta tahay maalin dimoqradiyaddu murugooneyso.
Bishii August 2013 ayaa Berlusconi lagu xukumey 4 sano oo xarig ah, kadib markii lagu heley canshuur uu la dhuuntey, waxaana loogu beddalay hal sano oo xabsi guri ah ama in uu dowladda ugu shaqeeyo mushahar la’aan muddo sanad ah.
Berlusconi 77 jir ah, oo ah maalqabeen iska leh Warbaahinta ugu awoodda badan dalka Talyaaniga ayaa saddex jeer noqdey Raysalwssaaraha dalka Talyaaniga.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.