Skip to main content

Beesha Reer Axamed Ee (Jibriil-yoonis) Oo shir-Balaadhan iskugu yimid Xalay Hotel Rays

Borama:-Nuux kadiye- Shir-balaadhan oo ay xalay beesha Reer Axamed ee Jibriil-yoonis iskugu ymaadeen Hotel Rays ee Borama ,ayaa waxaa ka soo qaybgalay Salaadiin ,Cuqaal , Xildhibaano ka mid Golaha Baarlamaanka ,Culumaa’udiin , Dhalinyari iyo Haween .Shirkan oo aybeeshu kaga hadlaysay arimo faro badan oo ka mid ahaayeen arimaha gaar ahaaneed ee beesha ,iyo dhinaca siyaasada .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Abibakar Siciid Ali oo ka mid ah aqoonyahanka beesha ,waxana u ku bilaabay hadalkiisii in ay beeshu ayna maanta jirin meel ay ka taagantahay xukuumada somaliland
ayna jirin siyaasad ahaan ,ayna kamuuqana masraxa siyaasada ,waxana uu sheegay in xukuumada hada tala dalk haysa ay ahayd midii ay iskugu dhawaayeen ,balse maanta ay jirin meeqaam ay ku leeyihiini,waxana uu sheegay in ayna ka hayn booskeeedii ,waxana uu intaasi ku daray in maanta qabiilka kastaa uu doontay xilbalse beeshoodu ay wali sugayso ,waxana uu sheeegay in ay maanta ka hayn xukuumada Boos kii u qalmi lahaa ,Waxana uu sheegay in maanta xilka kaliya ee ay xukuumada ka hayaan uu yahay Maayarka magaalada Borama kaasina uu ahayn mid ay xukuumadu magacawday ee ku yimid codka Beesha Reer Axamed , waxa uu intaasu k u daray in xilalka maanta ay xukuumadu magacaabayso ayna haynin , waxana uu sheegay in ay ka sugayaan Xukuumada madaxda uu ka yahay madaxwayne siilaanyo ,waxana uu ku soo gaba-gabeeyay in maanta ay dhanyihiin Xildhibaano Cuqaal , wax garad iyo Dhalinyarba .

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Maayarki Hore Magaalada Borama Xuseen Cawaale waxa ku bilaabay hadalo duco ah waxana hadalkiisii kamid ahaa ilaahay u adkeeyo midnimada iyo Muwaafaqada ,
waxana uu mahad naq baladhan u sooo jeediyay cid kasta oo qayb ka ahayd qaban qaabada shirkaasi ama kulankaasi ,waxa uu sheegay in lax waliba ay lageeda u xaadhato waxa uusheegay in ay yihiin
hogaanka Beelwaynta Jibriil yoonis ayna yihiin Makaahil ilaahayna uu ka dhigay, waxana maayarkii hore uu aad u taageeray hadalkii Abiibakar oo ku sheegay in uu yahay hadal run ah wax jirana uu yahay ,Hadii aad adigu wax noqon waydo ka kale wuu ku aasi oo waxba kuuma aho ) marka aad adigu mawaafaqo yeelato ee aad adigu
xisaabtan yeelanwaydo cidna wax ku siinmayso waxana uu intaasi raaciyay in ay na dawlada Somaliland ayna mucaarid ku ahayn ,waan jecelnahay waan la soo halganay anakaa samaynay oo abuurnay iyaguna way ogyihiin ,waa taan dhalinay oo aan xadhig walba u jiidnay ee nagula wada dagaalamaayay ,Waxana uu yidhi isaga oo hadalka sii wata Mudhaheeda waa lawada leeyahay qaybtii aan ku lahayn tii horena kama helin tana kama hayno ,maxaa siilaanyo loo ceebayn
tii ina Rayaalaba kama hayno ,tii ina awcali madaxwayne ku xigeenka ka ahaana kama ahayno,waxana uu sheegay in dariiqii ay tii kale martay uun martay tana ,waxana uu sheegay ay yihiin dadka barito la tirsanaayo ee codka laga sugaayo ,waxana uu sheegay in ay kula xisaabtamayaan waxii lagula xisaabtamo,waxana uu intaasi kudaray in dhalinyarta la kala jabiyo mid midna layskugu diro
waxaa ina gaadhsiiyay uu yahay muwaafaqo xumo ,waxan uu ku booriyay dhalinyaradii halkaasi fadhiday in ay aabayaashood dhaamaan anigu sidaasaan leehay .

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Suldaanka Beesha Reer Axamed Sul. Xassan Xaddi waxana uu kudheeraaday midnimada beesha in lays ku xidhnaado waxana uu sheegay Suldaanku in ayna shirkan cidna ula jeedin ee ay danahooda uu kaga hadlayaan waxii dantooda ah iyo waxii ay tabayaan ee ay ka tabanayan dawlada dhexe oo uuna ku jirin wax baryootan ahi ,waxaa kale oo uu suldaanku sheegay in ay beeshu samaysan doonto Gudiyo ka kooban qaybaha kala duwan ee beesha ,
waxana uu intaasi raaciyay suldaanku in ay iskugu iman doonan kulankan mid xiga oo ay beeshu muraadka ay leedahay iyo meesha ay dagayso ay maalin kale iskugu soo noqon doonto .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Cige C/laahi goodiroo (BALO)waxa uu hadaLkiisa ku bilaabay Siyaasadu waxa weeyi dariiqa hargaysa laga keenay ee halkan la soo gashay oo kale waayi odayga dawlada horfadhiista ee dawlada dariiq ka soo samaysta uunbay wax u qabataa, ninka halkan isku duuduuba waxba uma qabato ,waxna sheegan mayno cidna u hanjabi mayno waan badanahay sheekadeeda dhaaf ,waxa uu sheegay in dawlada wax laga doonto oo warkeeda lala socdo markay diido aan eedayno,waxana uu intaasi ku daray in wali aan iska fadhino oon waxba u doonanin ,in ayna eedi waxba tarin ,waxan uu sheegay in wax ay maanta hayani uuna jirin shaqo xumano way jritaa oo inaguna
aynu is canaanano ,waxana uu oday cige kuu soo gaba-gabeeyay in gudiyo yagleelaan ayna wadadii ay umari lahaayeena ay samaystaan ..

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Faarax Omer Jibriil waxaa uu sheegay in maanta ayna waxba kuhay xukuumada dhexe ,
waxa uu intaasi ku daray in dawlad halkaa lagu dhisay wasiirka gashaandiga reer hebel baa leh wasiirka arimaha gudaha reer hebelbaa leh ,waxa uu intaasi raaciyay in
leeyihiin xildhibaano lu jira golaha wakiilada kuwaasina waxa ay u shaqaystaan reerahooda ,waxana uu sheegay in ay doorteen in kolba xanta jirta in ay la socodsiiyaan reerkooda

Waxa kale oo iyagu halkaasi ka hadlay xidhbaano waxana ay sheegeen in laga wada shaqeeyo arinka reerka meelna looga soo wad jeedsado waxana ay dhamantood carabka ku dhufteen dadkii halkaasi ka hadlay in loo baahanyahay in beeshu isku duubnaato ay arinkeedana meel uga soo wada jeesato ,

Si kastiba ha ahaatee kulanka ay xalay iskugu timid beesha reer axamed ee Jibriil yoonis ayaa ah mid aan horay uga dhicin degmada mid noociisa oo kale ahi waxana lagu
gorfeeyay arimo farobadan oo ay ugu horayso xaga siyaasada in ay beeshu yeelato siyaasad cad oo hagi karta reerka , waxana dhamaanba dadkii halkaasi ka hadlay ay carabka ku dhufteen
,waxana ay eea dusha uga tuureen xildhibaanadii reerku doortay ee kaga jira golaha wakiilada in ay kaalintoodii

gudtii iyo gaba gabadii beesha shirka caawa ku qabatay hotel rays oo xukuumada dhexe ayna cadkoodii ku haynin

wariye Nuux kadiye boorama.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g