Skip to main content

Wararkii Ugu Dambeeyay Dab qasaaro Xoogan geestay oo Maanta ka kacay Isgooska KM4-(Daawo Sawirada)


Waxaa Maanta dab ad u xoogan oo qasaaro kala duwan geestay uu ka kacay Garaash weyn oo lagu keediyo Shidaalka oo kuyaala Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Dabka oon wali si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa ka kacay gudaha Garaashka Shidaalka ku keedsanaa iyadoona xiligaa kadib uu dabku ku faafay goobo kale oo Garaashka ku dhawaa .

Gaadiidka Dab damiska ee Dowlada Soomaaliya ayaa durba goota soo gaaray inkastoo aysan durbo ku guuleesan daminta dabkaasi oo ahaa mid aad u xoogan, waxa uuna dabka socday in kabadan 2-Saacadood oo lagu guuldareestay damintiisa.

Xaalada goobta uu dabku ka kacay ay buux dhaafiyeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa hada ah mid dagan waxaana lagu guuleestay gabi ahaan daminta dabkaasi oo lasoo warinayo in uu geestay qasaaro dhaawac iyo mid maaliyadeed oo aad u badan.

Dabka ka kacay Garaashka kuyaala KM-4 ayaa baabi'iyay tiro baabuur ah oo garaaska taalay iyo kuwa kale oo ka agdhawaa waxaa sidoo kale dabkaasi ku gubtay dukaamo dhoor ah oo u badnaa kuwa lagu iibiyo biraha iyo taayareda gaadiidka.

Gancsatada goobaha ganacsi kulaheed goobaha ku dhaw halka uu dabku ka kacay ayaa bilaabay in hantidooda goobahaasi kala baxaan iyadoona la arkayay hanti badan oo goobta laga dal dalayay iyo sidoo kale gaadiid badan oo iyana lagu iibinayay halkaasi oo lagala cararay dabka.

Si rasmi ah looma hayo Qasaaraha xoogan uu reebay dabka Maanta ka kacay Isgooska KM-4 ee Magalaada Muqdisho kaa oo la tilmaamay in uu yahay mid kamid ah Dababkii ugu qasaaraha badnaa ee sanadahan dambe Magaalada Muqdisho ka kaca





Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.