Skip to main content

DADKII KA BADBAADAY DUUFAANTII HAYAAN OO GARGAAR DALBANAYA

Dadkii ka badbaaday duufaantii ku dhufatay bartamaha Filibiin ayaa sheegayo inay weli sugayaan gurmad saddex maalmood kaddib markii ay musiibadaas ku dhacday.
Shaqaalaha gurmadka iyo hay'adaha gargaarka ayaan weli gaarin magaalooyinka qaar ee ay ku dhufatay duufaanta Haiyan.

 
 Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay dhibaatadan ka dhalatay duufaanta mid aad u ballaaran oo aan horey loo arag.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 10 milyan oo ruux ay saameysay duufantan halka 660,000 kun oo ruux ay ku barakaceen.
Hay'aaddan caalamiga waxay sheegaysa in mudnaanta kowaad la siinayo sidii cunno iyo biyo loo gaarsiin lahaa dadka ka badbaaday duufaanta.
Waxaa kale oo shaqaalaha gurmadka laga filayaa inay aasaan meydadka dadkii ku dhintay duufantan oo la sheegayo in tobonaan kun ay gaarayaan.Qaramada Midoobay ayaa ku deeqday 25 milyan oo doolar oo ay tahay in si dedg deg ah wax loogu qabto.
Maraykanka ayaa xeebaha dalkaas u diray mid ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka ee ay ku degi karaan diyaaradaha si ay ugu qeyb qaataan howlaha gargaarka.
Dowladaha kale ee caalamka ayaa iyaguna ka qeybqaadanayo dadaallada gurmad ee dalka Filibiin

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.