Skip to main content

Filibiin oo looga dhawaaqay musiibo qaran

Madaxweynaha Filibiin ayaa ku dhawaaqay musiibo qaran iyadoo la sheegayo in magaalooyin qaar ay burbureen qaarna la gaari la'yahay.
Bunigno Aquino ayaa sheegay in la xaddidi doono beeca waxyaabaha aasaasiga ah oona la laba jabbaari doono gargaarka.
Goor sii horreysay ayaa madaxa hay'adda Lanqeyrta Cas ee Filibiin ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay duufaanta dalkaas "ay aad u weyntahay"Weriye ka tirsan BBC-da oo jooga dalka Filibiin ayaa sheegay inay adagtahay in la arko guri taagan goobaha ay ka dhacday duufaanta Haiyan.
Richard Gordon waxa uu sheegay in loo baahan yahay in waddooyinka la banneeyo si cunto, daawo iyo biyo nadiif ah loo gaarsiiyo deegaanada shishe ee ay duufaantu saameysay.
Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wado dadal ay doonayaan inay ku gaaraan magaalooyinka qaar ee ay ku dhufatay duufaantu.

Kumanaan kun oo ruux

Kumanaan kun oo ruux ayaa ku dhimatay, tobonaan kun oo kalena way ku guryo beeleen duufantan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ay hakinayaan waddooyinka iyo buundooyinka loo mari lahaa goobaha ay ku dhufatay duufaanta Haiyan oo xiran.
Masuuliyiinta Filibiin ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in toban kun oo ruux ay ku dhinteen hal gobol oo kaliye.
Madaxa boliiska gobolka Leyte, ayaa sheegay in tirada cusub ay ku salaysan tahay warar ka yimid masuuliyiinta tuulooyinka ay dabayluhu ka dhaceen.
Wuxuu sheegay dadka badankood inay biyaha ay qaadeen ama ay guryo ku soo dumeen

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.