Skip to main content

QARAX KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO



Ciidmada Amniga Ee Somaliya Oo Qabtay Hal Qof Oo La Sheegay In Uu Ku Lug Lahaa Qarax Ka Dhacay Hotel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.


(Hadhwanaagnews) Friday, November 08, 2013
Muqdisho(HWN):- Laba qarax oo is-xigay ayaa goor-dhawayd ka dhacay hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho(HWN):-  Laba qarax oo is-xigay ayaa goor-dhawayd ka dhacay hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadan uu ka dhacay gudaha hoteelka iyadoo ruux boorsada Lap-top-ka sitay uu si lama filaan ah uga qarxay.
Waxaa la xaqiijiyay in qaraxii hore uu dhaawac fudud kasoo gaaray ruux ku sugnaa qaybta soo dhaweynta ee hoteelka, iyadoo ruuxii qaraxa





ku watay boorsada ay qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo  waxoogaa ka dibna uu qarxay gaadhi yaalay afaadka hore ee hoteelka .
?Mar keliya ayaa maqalnay qarax weyn, dadkii goobta ku sugnaa oo dhan mar keliya ayay kala carareen. Hal ruux ayaa dhaawac fudud gaaray, aad ayuu u weynaa qaraxu,? ayuu yiri goob jooge ku sugnaa hoteelka.
Goobjoogaha ayaa sheegay in qaybta soo dhaweynta hoteelka ay xilligaas ku sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan; iyadoo wiilka la qabtay da?diisa lagu sheegay 25-jir.
?Waxay u muuqatay in si farsamo xumo ah uu qaraxu kaga dhacay ruuxa oo markaas ku mashquulsanaa Lap-top uu watay, xaaladdu mar keliya ayay is-bedeshay? ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.
Hoteelka ayaa waxaa gaadhay ciidammo ka tirsan Nabad-sugidda Somaliya  oo hadda ku jira baadhitaanno ay halkaas ka sameynayaan, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa xilli maalmo ka hor Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxu uu doonayay inuu isku qarxiyo hoteelka gudihiisa, uuna boorsada Lap-top-kiisa ku watay waxyaabaha qarxa.
Dhanka kale, lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxii labaad oo ahaa mid ka dhashay gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo uu watay ruuxa qaraxii hore uu ka fashilmay ee ay qabteen ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay mas?uuliyadda weerarradan is-xigay, balse Al-shabaab ayaa horay weeraro noocan oo kale ah uga geystay Muqdisho, kuwaasoo ay wax-yeello kasoo gaadhay Soomaali iyo ajaanib.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.