Skip to main content

Khilaaf miyaa u dhexeeya madaxda Soomaaliya?

Waxaa jiro warar isa soo tarayo oo sheegayo in khilaaf uu soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu doonayo in Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo.
Ra'iisalwasaare cusubWaxaa jiro warar lagu kalsoonaan karo oo BBC-du heshay oo mujinayo in la filayo in Ra'iisalwasaare Saacid la baddelo.
Wararka qaar ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday Saacid inuu is casilo.
Saacid ayaa la sheegayaa inuu ku gacanseyray arrintaas.Ra'iisalwasaare Saacid ayaa la sheegayaa inuu diiddan yahay in uu is casilo

Cali Khaliif Galayr, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, horeyna u soo qabtay xilka Ra'iisalwasaaraha ayaa sheegay in uu la kulmay Saacid oo u sheegay in uusan is casili doonin.

Kulamo gooni gooni ah

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu doonayo in uu magacaabo ra'iisalwasaare cusub, halka uu Saacid ku dhegan yahay in isagu uu soo magacaabo gole wasiirro oo cusub.
Maanta iyo shalay waxaa la sheegay in Muqdisho lagu qabtay kulamo gooni gooni ah oo ay qabanayeen xildhibaanno kala taageersan labada dhinac

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.