Skip to main content

Sarkaal Sarre Oo Ka Tirsan Sirdoonka Qaranka Oo Waftiga Madaxwayne Siilaanyo Ee Babilay Tagay Ka Mid Ahaa Oo Wadne Xanuun U Geeriyooday


Hargeysa(Nuux kadiye) Alle ha u naxariistee Gaashaanle sarre Cabdi Caydiid Axmed oo ka tirsanaan jiray Sirdoonka Qaranka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa waftiga Madaxwayne Siilaanyo ee socdaalka shaqo ku tagay Magaaladda Gabiley ayaa shalay u geeriyooday wadne-xanuun ku soo booday.

Sarkaalkan geeriyooday ayaa sida la sheegay isaga oo caafimaadkiisu fiican yahay raacay waftiga Madaxwaynaha, kaas oo shalay xiliyadii duhurkii wad-nuhu si kadis ah u xanuunay, isla markaana markii xaaladiisu cuslaatay ay hogaanka Sirdoonka qaranku si degdeg ah ugu soo direen direen Magaaladda Hargeysa, kaas oo Alle ha u naxariistee dhexda ku geeriyooday.
Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee Gaashaanle sarre Cabdi Caydiid Axmed ayaa sida ay sheegeen dadka aqoonta u lihi ka mid ahaa saraakiisha ugu hawl-karsan uguna firfircoonaa hay’adda sirdoonka qaranka oo uu mudo dheer ka tirsanaa, isla markaana lagu xasuusan doono shaqo fiicno, kaas oo wakhtigan uu wadne xanuunka u geeriyooday ku gudo-jiray shaqo qaran oo uu ku gudanayey waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka Somaliland ugu xilsaarnaa.
Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Jaamac Maxamed Bootaan, ku xigeenkiisa Cismaan Maxamed Samater (Liimo) iyo dhamaan hogaanka waaxyaha kala duwan ee hay’adda sirdoonka qaranka ayaa waxay dhambaal Tacsi ah u direen ehelkii, asxaabtii, hay’adda sirdoonka iyo qaranka Somaliland-ba, kuwaas oo ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta leh ee ku timid marxuumkaas oo ay ku sifeeyeen shaqsi wanaag iyo hawl-karnimo ku caan ahaa, kuwaas oo Marxuum Cabdi Ilaahay uga beryey inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo.
XIGASHO RAMAAS NEWS 

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.