Skip to main content

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta ka qayb galey Xaflad Balaadhan oo Loo sameeyey Dufcadii koowaad ee ka Qalinjabisa Jamacada Tima-Ade ee Gobolka Gabiley

”walaalayaal maanta farax ayaan la hadli kari laayahay Sida wanaagsan ee aad iisoo dhaweyseen, Gabiley Gobol aanu ku Faano waa Dadkii idoortay...Daawo sawiro aad u tiro badan

Gabiley(nuuxkadiye) madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka qayb galey xaflada qalinjabinta dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacadda Tima-ade ee gobolka gabiley,
Ardeydaka ka qalinjabisay jaamacada Tima-ade oo tiraadoodu dhaneyda 103 ardey ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkii loogu talogaley
.
Ugu horeyn waxaa halkasi ka Hadley gudoomiyaha jaamacada Tima-ade Dr.cismaan aw yuusuf magan waxaanu madaxweynaha u bandhigey caqabadaha haysta jaamacada Tima-ade waxanu yidhi” waxaan maanta aad ugu faraxsanahay ina dufcadii ugu horeysay ka qalinjabiso jaamacadan Tima-ade, runtii waxaa dhismaha jaamacada qayb libaax leh ka qaatey dadweynaha reer gabiley gudo iyo dibaleh , waxaan u mahad celinayaa cidkasta oo xafladan gacan ka geyatey, runtii jaamacadu baahiyo faro badan ayey leedahay waxaan ugu daran laybareeligii kuliyada beeraha , oo dhan, iyo gaadhi naga caawiya macalimiinta aanu hargeysa kazoo qaadno.”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu.
DSC00128DSC00219
Madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxmuud siilanyo oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawaaajiyey inuu wixii karaankiis ah la qaban doono jaamacadda Tima-ade ee gobolka gabiley waxaanu yidhi”walaalayaal maanta farax ayaan la hadli kari laayahay sida wanaagsan ee aad iisoo dhaweyseen aad baad u mahadsan tihiin, maanta waxaa qalinjabinaya dufcadii koowad ee jaamacadi Tima-ade , waxaan balan qaadayaa inaan wixii awoodeyda ah la qabto, wa dadkii idooortey wajib badan ayaa iga saran.”ayuu yidhi madaxweyne siilaanyo
DSC00074
DSC00086DSC00132DSC00137DSC00151

la soco goor dhaw warka oo muuqaal ah

farhan abdirahman 
gabiley office 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.