Skip to main content

40 qof oo ku dhimatay Kaydka Hubka ee Liibiya


Mid kamid ah xarumaha lagu kaydiyo rasaasta Taangiyada ee dalkaasi Liibiya ayaa qarax weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof.

Qaraxan ayaa ka dhacay xarunta Militariga ee ku taal duleedka magaalada Sabha ee koonfurta Liibiya, kadib markii xeradaasi militari ay xoog ku galeen dad shacab ah oo isugu jira Liibiyiin iyo kuwo kale oo Afrikaan ah oo doonayey inay dhacaan rasaasta iyo hubka ku kaydsanaa xeradaasi.
Illaa iyo hada macada waxa sababay qaraxa waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay intaasi ka badato, maadaama la rumeysan yahay in weli xerada gudaheeda ay ku xaniban yihiin dad rayid ah oo u yimid halkaasi bililiqada hubka iyo rasaasta kaydka ah.
Dowlada Liibiya ayaa xiligan wada olole ay ku adkeenayso amaanka wadankaasi iyo sidii loo xakameyn lahaa hubka gacanta ugu jira shacabka, walow aysan dowlada ku guuleysan inay hubka ka dhigto maleeshiyaadkii ka qeyb qaatay dagaalkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.