Skip to main content

Madaxwaynaha-Afganistan-Oo-Cambaareeyay-Duqaynta-Ay-Diyaaradaha-Maraykanku-Ka-Gaystaan-Dalkiisa-Ee-Shacabka-Waxyeeladu-Ka-Soo-Gaadho


Kabul(Ramaas) -Madaxweynaha Afghanistan Xaamid Karzay, ayaa cambaareeyay duqeynta ciidammada Maraykan ku  u gaysteen guri ku yaalla gobolka Helmand,ee dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Maraykanka ay weerarkaas ku dileen cunug yar, halka laba haween ah ay ku dhaawacmeen,Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay calaamad dheeraad  ah oo muujinayso sida noolasha rayidka aan looga fakarayn,isla markaana aan loo dhawrahayn karaamada dadka reer afgaanistaan.
Weerarkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo Karzay iyo Maraykanka isku mari la'yihiin heshiis la xidhiidha sii joogitaanka ciidammada Maraykanka ee Afgaanistan.
Madaxweynaha Afghanistan ayaa diiddan inuu saxiixo heshiiskan sanadka cusub ka hor,Maraykanka aya ku adkaysanaya inay muhiim tahay in heshiiskaas si deg deg ah lagu saxeexo.
Dalka Afghanistan waxaa laga qaban doonaa doorashooyin billawga sanadka soo socda,Guddiga odayaasha ee dalkaas ee loo yeqaanno Loya Jirga ayaa ugu baaqey madaxweynuhu inuu saxeexo heshiiskan.
Guddiga odayaasha ee Afghanistan Loya Jirga iyo Baarlamaanka dalkaas aya isaguna horey u ansixiyay heshiiska,Ciidammada NATO ayaa lagu wadaa inay dalkaas ka baxaan sanadka 2014-ka.
Maraykanku waxaa uu doonayaa in ciidammadiisa ay sii joogaan wixi ka dambeeya 2014-ka,balse mar walba waxa arrinta sii murgiya iyo xidhiidhka Kabul iyo waashington duqaynta ay qaadan diyaaradaha dagaalka maraykanka ee drone-ka loo yaqaano kuwaasi oo bartil maameedsanaya kooxda Dalibaan balse inta badan dadka shacabka ay dhinta ugu wayni ku dhacdo.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.