Skip to main content

Madaxwaynaha Iran Oo Dhawr Maalmood Ka Dib Heshiis Uu La Galay Quwadaha Reer Galbeedka Sheegay In Aanuu Dalkiisu Marna Joojinahayn Samaynta Hub Nukliyar Ah.

Dehran(SHABAKADANUUXKADIYE.TK)Madaxweynaha wadanka Iran Hassan Rouhani, ayaa sheegay in dalkiisu aanu joojin doonin howlaha la xiriira hormarinta barnaamijkeeda nuclearka, islamarkaana waxa uu balanqaaday inuu wadashaqeyn wanaagsan la sameynayo beesha caalamka.

Mr. Rouhani ayaa wareysi uu siiyey television-ka IRIB waxa uu ku sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay naaxiso macdanteeda yuraniyamka, taalabadaana ay tahay mid aaney joojin doonin abid.



Hadalkan madaxweynaha Iran, ayaa imanaya dhowr maalin uun ka dib markii ay Iran heshiis ku meel gaadh ah la gaashay xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo wadanka Jarmalka, heshiiskaas oo dhigaya in Iran ay xaddiddo barnaamijkeeda Nuclearka, taa badalkeedna ay beesha caalamku ka qaaddo cunaqabateynta caalamiga ah.
Heshiiskan lixda bilood ah, ayaa waxa uu u ogolaanayaa Iran inay sii wadi karto naaxinta macdanta yuraniyamta boqolkiiba shan oo kaliya, heerkaas oo ah mid saamaxaya in koronto uun lagu dhaliyo. Iran ayey tahay inay dhinto keydkeeda macdanta yuraniyamta ee ah boqkiiba 20, kaasi oo loo adeegsan karo cilmibaadhista dhanka caafimaadka, balse sidoo kalena qarka u saaran heerka loo baahan yahay in lagu sameeyo bam nuclear ah.

Si kastaba ha haatee hadalkan uu ka soo bata tuuray madaxwayne Ruuxaani heshiiskaasi uu la galay dawladahaasi waxa uu cadaynayaa halka ay dawladda Iran ka taagantahay in ay hesho hubka khatarta badan ee Nuclearka,kaasi oo ay mar walba ku dodo in ay xaq u leedahay in ay hesho hubkan.

WARIYE NUUX KADIYE

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.