Skip to main content

Taleex Oo Lagu Kala qaxay, Axmed-karaash oo Teknikadii Khaatumo Kuwareejiyey Puntland oo Ciidammo Dhoobtay Tukarraq+Dhaqdhaqaaqa diyaargarowga Somaliland.


Ceerigaabo(Nuux kadiye) Wararka naga soo gaadhaya degaanka Taleex ee maalmahanba dirirta colaadeed ka dhex aloosnayd madaxdii maammulka Khaatumo la baxay oo iska hor yimid oo laba garab u kala jabay iyo madaxweyne-kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire
islamarkaasna sababay dagaallo dhex maray ciidamma-beeleedyadii degaankan hore ugu sugnaa iyo ciidammo kazoo weeraray dhinaca Puntland iyo khasaarayaal kaleba ayaa waxay sheegayaan in magaalada Taleex Caawa haawanayso oo lagu kala qaxay taasoo ka dhalatay kaddib markii bulshada degaankaas gudeheedu noqdeen ā€œNin wax diley oo cabsanaya iyo Nin la diley oo ciil qabaā€. Sidaasi darteedna qoloba jahadii ku beegnayd ama danteedu uga muuqatay ay uga dhaqaaqday magaalada Taleex.

Wararku waxay kaloo sheegayaa Axmed-karaash in uu gaadiidkii iyo hubkii Beelaha Naallaye Axmed uu ku wareejiyey Puntland oo gacanta u geliyey C/samad Cali Shire (Madaxweyne-kuxigeenka Puntland) .

Sidoo kalena waxay wararku sheegayaan qaar ka mid ah malleeshiya-beeleedkii gacanta ku haysey gaadiidka teknikada ah ee Beelaha Nuur Axmed qaarkeed in ay la baxsadeen ulana kicitimay dhinaca Kalcad oo degaan u ah Beelaha hubkan leh, taasoo loo aanaynayo khilaaf soo kala dhex galay Beelaha Nuur Axmed iyo C/samad Cali Shire oo salka ku haya mashaqada Taleex ka dhacday oo loo aanaynayo C/samad Cali Shire.
tekniko1
Waxa sidoo kale C/samad Cali Shire Taleex ka sheegay in uu u talinayo Ugaadhyahan islamarkaasna aanu oggolaan doonin gaadhi danbe oo Tikniko oo cidla taagnaada. Taasoo ka cadhaysiin karta beelaha Ugaadhyahan.
Waxana C/samad Cali Shire fiidnimadii caawa ka kolayaystay magaalada Taleex halkaasoo jaha uu u dareeray ilaa imminka aan la xaqiijin haseyeeshee wararka la isla dhexmarayo qaarkood ay tibaaxayaan inuu u kolayaystay dhinaca Garoowe halka qaar kalena tibaaxayaan inuu u kolayaystay dhinaca Tukarraq oo fadhiisin u ahayd ciidammada Puntland.
Tekniko2 (1)

Dhinaca kalena Puntland ayaa ciidammadeeda soo dhoobtay Tukarraq oo qiyaastii 30-km u jirta fadhiisinnada Ganbadhe ee ciidammada Somaliland taasoo aan la saadaalin kain sababta ciidammadan Puntland usoo dhoobtay xilligan Tukarraq.
Sidoo kalena dhinaca Somaliland ayaa waxa wararku sheegayaan in laga dareemayo dhaq-dhaqaaqa diyaargarow ciidan.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.