Skip to main content

Waxaanu-Ula-Macaamilaynaa-Somalia-Sidii-Aanu-Horeba-Ula-Dhaqmi-Jirnay-Oo-Cid-Aan-Bassport-Sidanin-Kama-Soo-Dagi-Karto-Madaaradda-Somaliland-Taliyaha-Laanta-Socdaalka-Somaliland-Gaashaanle-Sarre-Maxamed-Cambarro.


Hargeysa(NUUX.KADIYE) Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Cambarro) ayaa go’aan aan meel mar ahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay maalintii Taliyaha Immigration-ka Somalia Mr Gaafaw oo sheegay in dhulkii la isku odhan-jiray Soomaaliwayn oo ay Somaliland ku jirto aan lagu tagi Karin Bassport-ka Somalia, taas oo uu Gaashaanle sarre Maxamed Cambaro ku tilmaamay hadal la iska yidhi oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha laanta socdaalka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Haatuf, isla markaana cadeeyey in go’aanka Muqdisho aanu khusaynin Somaliland.
Waxaanu yidhi “Anaga iyo Somalia waxa aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo jaar ah, waxaananu ula dhaqmaynaa sidii aanu horeba ula dhaqmi-jirnay oo wax alaala wixii aan Bassport sidanin kama soo dagi karo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland, mida kale wixii sharci daro ah ama Somalia ha noqoto ama cid kale ha noqoto’e ka aqbali mayno”.
Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf mar aanu wax ka waydiinay inuu go’aankan cusub ee Maamulka Muqdisho ka taliyaa ay ku soo rogeen dadkii u soo socdaali jiray Somalia ee Bassport-ka dalkooda ku iman jiray inuu jawaab u yahay oo uu la xidhiidho go’aankii ay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku joojisay inay dalka yimaadaan dadka sita E-Passport-ka Somalia, waxa uu ku jawaabay “Ma aqbalayno marnaba sida uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hore u sheegay Passport-ka cusub ee Somalia, mida kale marnaba danaha dadkayaga iyo dalkayaga cidna ugama dabo-fadhiisan doono”.
Dhinaca kale mawqifkan xukuumadda Somaliland ayaa ku soo beegmay xili uu maalintii doraad uu taliyaha laanta socdaalka Somalia Mr Gaafaw amar ku siiyey diyaaradaha iskala goosha Somaliland iyo Somalia iyo shacbiga isticmaalaba inaanay 18-kii gobol ee wixii la isku odhan jiray Soomaaliwayn inaan wax baasaaboor ah loo isticmaali dooninn, isaga oo Somaliland-na ula macaamilaya goboladaas uu sheegay.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.