Skip to main content

Wadahadalkii Reer Galbeedka & Iran oo heshiis laga soo saaray

Waxaa markii ugu horeysay heshiis laga soo saaray wadahadalkii wadamada reer Galbeedka iyo Iran uga socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Wadahadalka oo socday muddo 4 maalmood ah ayaa lagu guuleystay in xalay Saqdhexe dhinacyada ku heshiiyaan Qoraalka heshiiska oo ah mid horudhac ah.
Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa kamid ah:
- In Iran ay joojiso hawlaha Nukliyeerka ee ka socda xarumahooda mid kamid ah ee Ar Arka.
- In Iran ay hakiso kobcinta Yuraniyumka oo ay ku koobto 5% oo kaliya
- In Iran ay u ogolaato khubarada ka socda beesha Caalamka xarumahooda Nukliyerka
- In Iran ay burburiso qeyb kamid ah Yuraniyumkii ay horey u kobcisay
Dhinaca reer Galbeedka ayaa iyagu sheegay:
- In Iran aan wax cunaqabateyn ah la saari doonin Iran 6 bilood ee soo socota
- In Iran lasiin doono dhaqaale gaaraya $4.2 Bilyan oo dhaqaale
- In Iran ayaa sidoo kale loo fasixi doonaa inay soo gadato qalab horey looga xanibay sida Qalabka Dayactirka Diyaaradaha dagaalka, Biraha muhiimka u ah warshadaha Iran iyo qalab kale oo muhiim ah waxsoo saarka wadankaasi.
Heshiiskan ayaa ah mid dhinaca Iran waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha wadankaasi Xassan Rowxaani iyo waliba Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatullahi Khumeyni. Walow ay jiraan kooxo xag jir ah oo ka tirsan dowlada Iran oo aan heshiiskan soo dhaweyn.
Heshiiskan ayaa ku khasbaya Iran inay hoos u dhigto Yuraniyumka ay sameeyaan oo ah aalada ugu muhiimsan ee dhalinta Tamarta Nukliyerka iyo Hubka Nukliyerka, iran ayaa kobcinta Yuraniyumka ka dhigeysa mid aad u yar oo ah 5% oo kaliya, taasi oo aan fursad u siineyn Iran inay sameysato hubka Nukliyerka.
Walow dalalka heshiiskan kasoo horjeeda sida Isra’iil iyo Sucuudiga ay doonayeen in gebi ahaan Iran laga joojiyo sameynta Yuraniyumka.
Maamulka Isra’iil ayaa ku tilmaamtay heshiiskan mid aan sinaba loo qaadan karin.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa si weyn usoo dhaweeyey natiijada wadahadalkii Geneva isagoo hesheegay in tilaabo taariikhi ah inay tahay in Iran ay aqbasho qodobada heshiiskan ku qoran, isagoo xusay in ay arrintan tahay tilaabo bilow ah.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.