Skip to main content

Dawladda-Dalka-Angola-Oo-Ku-Dhawaaqday-Fal-Ku-Lid-Ah-Muslimiinta-Dalkaasi-Iyo-Masaajidadii-Ku-Yaalay-Dalkaasi-Oo-La-Bur-burinayo



Luwanda(Nuux kadiye )  -Dawlada dalka Angola ayaa amartay in gabi ahaan masaajida ku yaala wadankeeda la xidho si dalkaasi looga saaro diinta
 Islamka.Haweeneyda la yiraahdo Rosa Cruz e Silva oo dalkaasi ka ah wasiirka dhaqanka ayaa magaalada Luwanda shir ay ku qabatay waxay ku sheegtay in dalkeeda laga mamnuucay masaajidada waxaana ay amartay in dhamaan masaajida Muslimiintu leeyihiin ee dalkaasi ku yaala la wada xidho illa amar dambe sida ay tidhi.
Haweeyneydaan waxay sheegtay in dalkeeda oo ah dal Kirishtaan ah aan loo dulqadan karin in masaajidu ku bataan waxaana ay intaa ku dartay in diinta Islamka aysan wasaaradeeda u diwaan gashneyn sida ay tidhi.
Wargayska International Business Times ayaa ku waramaya inay jiraan warar sheegaya in inta badan masaajidii wadankaas ku yaalay la bu bur buriyay oo ay bur buriyeen kooxo masiixiyiin ah oo dawlada fasax ka haysta.
Wargays kale oo dalkaasi kasoo baxa oo la yiraahdo Osun Defence daily ayaa kasoo xigtay M/weynaha dalkaasi Jose Edurado dos Santos oo yidhi “ tani waa tilaabadii ugu dambeysay ee dalka looga joojinayo kororka diinta Islamka taasoo lagu macneeyay in dawladu raali ka tahay in dadka Muslimiinta ah la dhibaateeyo.
Dalka Angola oo ka mid ah wadamada ku yaala koonfurta Africa waxaa dadka ku nool oo lagu qiyaaso 19 million oo ruux in ka yar %1 ayaa Muslimiin ah.
Dawlado fara badan oo Muslimiin ah ayaa tilabaadaan dawlada Angola qaaday waxaana dawladahaas ka mid ah Sacuudiga oo ku goodisay inay xiriirka u jarayso dawlada Angola haddii aysan go’aankaas ka laaban.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.