Skip to main content

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo loogu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe



{Nuux kadiye}Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.


Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”

“ Caawa waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.








Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.