Skip to main content

Heshiis laga gaaray qaxootiga Soomaaliya

Dawladaha Soomaliya, Kenya iyo hay'ada qaxootiga ee UNHCR waxaa ay ku heshiiyeen in qaxootiga daneynaya inay dib u noqodaan laga caawiyo sidii ay waddankoodu ku gaari lahaayeen.
Balse waxaa heshiiska ku xusan in qaxootiga go'aansado in ay Kenya sii joogan la siiyo kaalmada iyo badbaadada ay u baahanyihiin.

 
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, waxaa uu sheegay inuu rajeynayo in heshiiska maanta uu wadada u xaaro in dhamaan qaxootiga ku nool waddankiisa ay dib ugu noqdaan Somaaliya seddaxda sanno ee soo socoto.
Hay'ada qaxootiag ee UNHCR, ayaa dhinaceeda sheegtay in loo baahan yahay in daad gureynta qaxootiga daneynayo in ay noqdaan ay u dhacdo si ixtraam leh.
Wakiilka UNHCR ee Kenya, ayaa hoosta ka xariiqay in looga baahan yahay dawaladda Ssomaliya in ay hubiso in kuwa go'aansaday in ay noqdaan ay u fidiso adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaji Aden, oo heshiiskan u saxiixday dawaladda Somaaliya, ayaa sheegtay in amaan uu ka hanaqaaday waddanka, loona baahan yahay in qaxootiga waddankooda ku noqdaan si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska. Waxaa ay sheegtay in illaa iyo billowgii sanadkan ay 8 kun oo qaxooti ku noolaa Kenya ay dib ugu noqdeen Somaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.