Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Daboolka ka Qaaday Wakhtiga La Qabanayo Diwaan Galinta Muwaadiniinta Somaliland.S.dpuf

ATN-HARGEYSA ---- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in bisha fooda inagu soo haysa ee February 1-da dalka oo dhan laga qaban doono diiwaan-gelinta Muwaadiniinta reer Somaliland. Wasiirka Arrimaha Guda ha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay wehelinayaan Badhasaabada dalka, mayoro iyo hawl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in diiwaangelintan dalka laga qaban doono ay kala saari doonto dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Ajanabiga kale.

Prof. Axmed I. Samater, Oo Soo Bandhigay Su’aal Uu Waydiiyey Madaxwayne Siilaanyo Iyo Sida Uu Ugu Jawaabay

(ATN-London) – Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay su’aal uu waydiiyey Madaxwaynaha Somaliland bishii June ee sanadkii hore, taasi oo uu Madaxwayne Siilaanyo uga jawaabay.

Maayarka Borama Oo Sheegay In La Soo Afjaray Khilaafkii U Dhexeeyay Ku Xigeenkiisa

(ATN) – Maayarka degmada Borama, Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaaf soo kala dhex galay Maayar ku xigeenka Borama, waxaanu sheegay in khilaafkaasi ay keentay shaqadu, taasna ay dhammeeyeen.

WARAR DHEERAADA OO KA SOO BAXAYA LABADA BEELOOD EE BAHABAR CELI IYO CIISE OO KU DAGAALAMAY GOBOLKA SALAL

Dagaal ayaa ku dhexmaray manta gelinkii hore deegaanka Sh Awaare tuulo ka tirsan oo leh ceel biyood biyaha laga cabo oo la yidhaa Hooroone beelo deegaankaasi wada dega, Beelahaasi oo ah Beelaha B/celi   iyo Beesha Ciise. Ilaa iyo hada waxa la sheegayaa inay sadex qof ku dhaawacmeen, Gudoomiyaha degmada Saylac Xuseen Iidle ayaa u xaqiijiyay dagaalka iyo dhaawaca Shabakada heemaalnews. Ilaa iyo hadana maamulka Somaliland wax gurmad ciidan ah uma dirin dadka halkaasi ku dagaalamaya, lamina garanayo sababta keentay colaada deegaankaasi.

SAWIRKA MAANTA : RAYSAL WASAARAHA SOOMAALIYA OO FOOLANAYAY MUDDO KU DHAW 40 MAALMOOD

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay iyo Ergadii Somaliland Oo Dawladda Turkiga Ka Codsatay Inay Si Rasmi Ah Usoo Dhex Gallaan Labada Dhinac

Istanbul(ATN) Kulankii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo  wajigoodii fool ka foolka ahaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda ganacsi ee dalka Turkiga ee Istanbul ayaa labada dhinac isku mari waayeen qodobadii ajandaha shirka la soo dhigay, iyadoo dhinac waliba qodobka madax banaanida Somaliland iska taagtay.

Madaxweyne Siilaanyo oo saaka dhoofay, Maxamed Kaahin oo go’aankiisii aqbalay iyo Muuse Biixi oo shir jaraa’id wada

Hargeysa(ATN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka ka dhoofay madaarka Hargeysa, isagoo usii jeeda safar dheer oo uu ku tagayo dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska. Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii aanu ka ambabixin Hargeysa waxa saaka Qasriga Madaxtooyadda ugu tagay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Madaxda Xisbiga Kulmiye kuwaas oo sii macasalaameeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Muuse Biixi oo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo lagu diray hase yeeshee uu ku faanayo kalsoonidiisa in uu mar walba haysto

Hargeysa(ATN) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay goor dhaweyd xarunta guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay shirweynaha Xisbiga Kulmiye inaan Madaxweynaha looga maarmayn joogitaankiisa, dibu-dhaca ku yimid na ay taasi aasaas u tahay. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay maalmahan in lala wareegayo in ay is haystaan madaxweynaha, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu sheegay

HargeysaSheekhii-Shalay-Toorayda-Lagu-Dhaawacay-Oo-Ka-Warbixiyey-Sida-Uu-Falku-U-Dhacay-Iyo-Xaaladiisa-Caafimaad

Hargeysa(ATN) Jan.18, 2014-Sheekh Maxamed Haybe Geele oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa oo uu shalay nin tooray ku weeraray,isaga oo muxaadiro ku qabanayey badhtamaha Magalada Hargeysa.

Madaxwayne-Silanyo-Oo-Agaasimihii-TV-ga-Qaranka-Xukuumaddii-Dahir-Rayaale-U-Magacaabay-Badhasaabka-Gobolka-TogdheerKuwo-Kalena-Xilkii-Ka-Qaaday

Hargeysa(ATN) Jan.18, 2014-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer u magacaabay Maxamed Muuse Diiriye agaasimihii hore ee Telefishanka Qaranka dawladii Daahir Rayaale, ka dib markii badhasaabkii hore ee gobolkaas Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje uu xilkaas iska casilay. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Badhasaabkii hore ee gobolka Salel Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Ku xigeenkiisii Cali Allaale Riyaale, waxaanu labadan xilba u magacaabay laba masuul oo cusub.

HAMBALYO MEHER WACAN GURKIINU GUR KHAYR GURIGIINU GURI NAGI GACAL IYO SOKEEYEBA GURKINA LAGU FARAX AMIIN AMIIN AMIIN

Dhamaan ASxaabtaasi waxay hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa Boqor Abdirahman maxamed ahmed Iyo Boqorada Idil Daa”uud maxamuud oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada gabiley gaar ahaana hotel asker  Waxayna Leeyhiin Aqalgalkiina Ku Gaadha Bash Bash Iyo Barwaaqo ……. farhan abdirahman aw isse cabdiqaadir xasan jaamac cabdirahman aadan muhumed nuux cumar kadiye yaasin ahmed xuseen samaale maxamed xasan xasan maxamed ahmed nimcaan maxamed ahmed mataan maxamed ahmed nimcaan dheeg ibraahin maxamud sh muuse bookh c/rasaaq maxmud aw daahir yaasiin sh maxamad xuseen Waxayna Leeyhiin Aqalgalkiina Ku Gaadha Bash Bash Iyo Barwaaqo ubad khayr qabana kala hela amii amiin amiin

War degdega:Dr. Abdirahman Ducale Beyle una dhashay gobolka Awdal oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada soomaaliya

Muqdisho-(ATN) War naga soo gaadhay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dr. Abdirahman Beyle oo ka mid ah directors-ka African Bank oo xafiiskiisu yahay Tunis uu ka mid noqoDAY  wasiirrada dawladda Abdiweli Sheekh Ahmed. Dr. Beyle ayaa ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ku sita shahaadadda PhD, waxana uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Jaamacadda Maibson University ee dalka Maraykanka. Muddo ka badan 20 sanana waxa uu ka shaqeeyaa African Banka oo maalgeliya dalalka Afrika. Waxanu ka yahay madaxda sare ee hay’addaasi caalamiga ah.

Liiska Wasiirudowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada Cusub ee uu Ra’isulwasaaraha magacaabay… AKHRISO

Wasiirudowlayaasha Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Maxamed Nuur Wasiirudowlaha Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga Mudane Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka

Aqriso Magacyada Wasiiro katirsanaa Xukuumadii R/Wasaare Saacid oo mar kale lagu soo daray Xukuumada Cusub

Shabakada ATN ayaa baaritaano dheer kadib waxa ay soo heshay Magacyada Xubno Wasiiro ka ahaa Xukuumadii Ra'izul Wasaare Saacid kuwaa oo mar kale Wasiiro ka noqday Xukuumada Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed. Xubnhihii katirsanaa Xukuumadii Saacid ee dib usoo laabtay ayaa u badan wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal halka 10-kii Wasiir ee Xukuumadaasi uu iminka kasoo laabtay kaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka. Xubnaha dib ugu soo laabtay Xukuumada Ra'izul Wasaare Cabdi Wali ayaa qaarkood laga dhigay Wasiiro Buuxa halka kuwa kalana loo Magacaabo Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.

War Deg Deg ah:Liiska Golaha Wasiirrada Somalia oo lagu Dhawaaqay iyo Magacyada Wasiirada oo 25 Wasiir iyo ku Xigeenadooda ah!!

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa Wax yar kahor ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib munaasabad daahday oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Sidoo kale Ra'iisul Wasaare C/wali ayaa Golihiisa Wasiirada mid mid ugu aqrinayay munaasabada xilliga dambe ee caawa ka dhacday Madaxtooyada, iyadoo aanay goob joog ka aheyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wada-hadalada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland oo furmay

Wada hadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah maanta oo khamiis ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun oo furay wada hadalada ayaa sheegay in Turkiga uu yahay keliya fududeeye oo aanay jirin wax fara gelin ah ay ku hayaan labada dhinac.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.

Wasiirka Warfaafinta Hirgeliyay Qorshe Shaqaaleweynaha Wasaaradda Warfaafintu Soo Dhaweeyeen

Hargaysa (ATN): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. C/laahi Maxamed daahi (Cukuse) ayaa shaaca ka qaaday in shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradaasi qof walba lagu  abaal marin doono kartida, hawl-karnimadda iyo shaqo wanaaga uu hadba la yimaado oo ay ficil u bedalayaan isla bishan Janaury qiimaynta shaqaalaha.

Madaxweyne Siilaanyo oo sagaal xubnood u magacaabay xalinta Khilaafka Shirweynaha Kulmiye

Hargeysa(ATN) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay  magacaabay guddi sagaal xubnood ah oo uu u saaray xalinta khilaafaadka hadheeyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Shirweynaha Xisbiga la qabto 22/3/2014-ka.

Madaxwayne-Silanyo-Oo-Sagaal-Xubnood-U-Magacabay-Xalinta-Khilaafka-KulmiyeMuuse-Biixi-Iyo-Maxamed-Kaahin-Oo-Iska-WaayeyIyo-Madaxwayne-Silanyo-Oo-U-Muuqda-In-Uu-Majaraha-U-Qabtay-Talladii-Kulmiye.html#sthash

Hargeysa(ATN) Jan.16, 2014-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay guddi sagaal xubnood ah oo uu u saaray xalinta khilaafaadka hadheeyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Shirweynaha Xisbiga la qabto 22/3/2014-ka,waana liiska lagaalkan xubnood iska waayey kooxdii garabka Muuse Biixi ee uu dhawaan muranku ku dhexmaray xisbiga dhexdiisa madaxwayne ku xigeenka,ee Muuse Biixi iyo maxamed Kaahin. Liiska xubnaha sagaalka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay waxa ay kala yihiin:-

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Cadeeyay In Aanay Kula Socon Faysal Cali Warabe, Wadahadalkii Uu Sheegay In Mucaaradku La Furayo Dawladda Soomaaliya

Hargeysa-(ATN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horeysay sheegay in aanay xisbiga UCID kula socon wadahadallo dhawaan uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Mucaaradku la furayaan Soomaaliya, haddii xukuumaddu ka reebtay weftiga Somaliland uga qayb-galaya Wadahallada Soomaaliya. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI caqbalayo natiijada ka soo baxda Wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya ee wejigooda shanaad toddobaadkan ka furmayo dalka Turkiga, isla-markaana aanay diidmada natiijadooda kula socon Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, oo maanta u waramay Telefiishanka Maxaliga ah ee Bulsho Tv, ayaa sheegay in xisbi ahaan aanay Faysal Cali Waraabe la ogeyn wadahallada uu sheegay in Mucaaradku la furayo dawladda Soomaaliya.”

Xisbiga Mucaaradka WADDANI Oo Xukuumada Axmed Siilaanyo Ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Siyaasadii Arimaha Dibeda Mudadii 3-da Sanno Ahayd Ee Ay Xilka Haysay..

Hargeysa-(ATN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay siyaasadda arrimaha dibadda mudadii saddexda sanadood ahayd ee talada dalka haysay. Masuuliyiin ka mid ah xisbiga Waddani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in weftiga Somaliland uga qayb-galaya wadahadallada Soomaaliya ay Magaalada Addis-ababa ku qaateen siminaar ku saabsan nidaamka Federaalka. Xoghayaha arrimaha gaarka ah ee xisbiga WADDANI, Xuseen Asad, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xukuumaddu siyaasadda arrimaha dibadda way ku hafatay saddexdii sanadood, wayna jihayn kari wayday siyaasadda arrimaha dibadda, xukuumaddu way tagtay wadahadallada Soomaaliya, waynu ognahay meeqaamkii qaranimo ee Somaliland caalamka ku lahayd, taladii gooni isku taaga Somaliland hoos dhac-baa ku yimid intii xukuumaddani talada haysay. Waad ogeydeen dhawaan in dawladda Soomaaliya ay ka soo yeedhay in aanay Somaliland la hadlayn ilaa inta Somaliland ku taagan tahay maja

Afar qof oo Soomaali oo loo heysto weerarkii Westgate

Awdal today-Afar ruux oo loo haysto in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ayaa ka bilaabatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Afartan qof ayaa la sheegayaa in Jinsigoodu uu yahay Soomaali, isla markaana lagu eedeynayo in ay yihiin raggii ka dambeeyey weerarkii 21-kii November lagu qaaday xarunta West get ee dalka Kenya, hasa yeeshee maxkamad ku taalla Nairobi ayaa billaabday dacwadda ka dhanka ah raggaasi.

War deg deg ah : Kuna socota akhristayaasha Shabakadan

Marka hore aad ayaan u salaamayaa dhamaan akhristayaasha ku xidhnaa shabakadanuuxkadiye.blogspot.com  inuu ka wareegay linkag waxaana akhristayaasha sharafta leh lala socodsiinayaa in uu u wareegay linkigan cusub ee ah  http://shabakadaawdaltoday.blogs pot.com/ hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan leenahay halkan ayaad ka heli doontaa wararkii aad kala socoteen shabakadii hore mahadsanidiin

Madaxweynaha somalia oo Warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Faransiiska

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha ay dowladda Faransiisku u soo magacowday waddankan Soomaaliya. Danjire Rémi Maréchaux iyo madaxweynaha ayaa ku kulmay xarunta mdaxtooyada Qaranka. Sii-hayaha wasaaradda arrimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kulankaan ka qeyb gashay ayaa soo dhaweysay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Faransiiska u dhaxeeya.

Xukuumadda-Oo-Ergo-U-Dirtay-Xamarje-In-Uu-Ka-Noqdo-IscasilaadiisiiIyo-Xamarje-Oo-Ku-Gacan-Saydhay-Ergooyinka-Ay-Xukuumaddu-U-Dirtay

Hargeysa(Bakinews) Jan.15, 2014-Badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed X Cumar C/laahi (Xamarji) ayaa la sheegay in uu diiday Ergo ay xukuumaddu u soo dirtay, kuwaas oo doonayey in ay ku qanciyaan inuu ka laabto istiqaaladdii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gudbiyey. Xamarji ayaa si toos ah u sheegay in aanu marnaba aqbalayn in uu ku noqdo xilkaasi, waxaana la sheegayaa in uu Ergada go’aankaas ku qanciyey isla markaana ay tiraba dhawr jeer isku kala bed bedeleen Ergooyin kale oo isla arrintaas uun ugu socday.

Wafdi Dowladda U Metelaya Wadahadallada Dowladda Federaalka Iyo Maamulka Somaliland Oo Saaka Ka Ambabaxay Muqdisho

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Wafdi Dowlada Soomaaliya uga qeyb galaya Wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee ka furmaya Dalka Turkiga. Wafdiga Dowlada u matalaya Wadahadalada Turkiga la filayo in maalinta berito ah ka furmaan waxaa hogaaminaya Sii hayaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Si Rasmi Ah Xilka Kala Wareegay Madaxweynihii Hore

Bakinews-Garowe Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole kaddib markii uu ku guuleystay 8-dii bishaan xilka Madaxtinimo. Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada Garoowe.

Wasiirada Ganacsiga Iyo Duulista Oo Ka Warbixiyey Safar Ay Ku Joogan Imaaradka Carabta+Sawiro

Hargeysa(Bakinews)Jan.14, 2014 Wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawadda iyo Ganacsiga iyo Maalgashiga somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa socdaal ku maraya dalka Imaaraadka carabta, waxaanay sheegeen in qasdiga booqashadoodu uu salka ku hayo sidii maal-gashadeyaal caalami ah dalka loogu soo xidhi lahaa.