Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2013

SULDAAN AADAN X. FAARAX CUMAR OO XUKUMADA SIILAANYO KU CANAANTAY ADEEGA BIYAHA IYO CADAALADDA DARADDA WAKAALADA BIYAHA.

HARGAYSA:Bakinews Qoraal uu saxaafada soo gaadhsiiyey Sudlaan Aadan X. Faarax Cumar oo ka mida salaadiinta reer Somaliland ayaa madaxweynaha iyo xukumadiisa ku canaantay biyo la’aanta shacabka bariga iyo koonfurta Hargeysa. qoraalka uu soo saaray Suldaanka oo nuqul ka midi soo gaadhay Bakinews.tk ayaa dhignaa sidan:-

Wakiilada Oo Ansixiyey Qorshe-Hawleedka Golaha Ee Sannadada Soo Socda

(Hargeysa:Bakinews) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ansixiyey qorshe-hawleedka golaha ee Sannada soo Socota. Fadhiga maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa mudanayaashii ka soo qayb galay waxa loogu qaybiyey hadal qoraalka doodii ay mudanayaasha golaha wakiiladu ka yeesheen qorshe hawleedkooda ay ku shaqayn doonaan 2013-2015.

Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Muxuu Ka Yidhi Ma-Hadhooyinkii Ka Soo Qabsaday Soomaaliya..??

(Bakinews:Hargaysa)  Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markale ka waramay ma-hadhooyinkii ka soo qabsaday wakhtigii uu magaaladda Muqdisho joogay, kaas oo ka xog-waramay arrimihii calool xumada uu kaga caagay Somalia ku dhaliyey, kaas oo ka xusay in wakhtigii uu u tartamayey Madaxwaynaha Somalia in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya inuu ku tiraabay hadalo takooraya isaga iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland oo dhan.

Ururka Jaamacada Carabta Oo Ku Dhawaaqay In Ay Argagixiso U Aqoonsadeen Ikhwaanul Muslimiinta MASA

(Bakinews:Hargaysa) Ururka Jaamacadda Carabta ayaa  soo saaray warbixin uu ku sheegay inay si rasmi ah ugu aqoonsadeen ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar urur argagaxiso, iyadoo ururku uu qoraal arrintan ku saabsan u dirayay dalka ee xubnaha ka ah.

Labo bajaaj oo isku dhacay oo sababay dhaawacyo fudud

Bakinews:Isku dhac laba bajaaj ama  gadiidka tigta loo yaqaano ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada boorama labadan bajaaj ayaa waxa uu shilkoodu ka dhacay jidka wayn ee halbowlaha ah ee magaalada boorama ee loo yaqaano shide bile road

Daawo Sawirada Dowladda oo diyaarad Muqdisho ku keentay Soomaali badan oo ku go’doonsanaa South Sudan

BakinewsDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale . 

Tirada+Magacyada Xildhibaannada Somaliland Ka Soo Jeeda Ee Ka Mid Noqday Baarlamaanka Cusub Ee Puntland Iyo Gobollada Ay U Dhasheen

(Bakinews garoowe) Liiska magacyada Xubnaha loo soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayay xalay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe kaga dhawaaqeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta doorashada ee Puntland, kuwaasoo ay ku jiraan Xildhibaanno dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland.

Daawo Sawirada inta badan Musharaxiinta Madaxtinimo ee Puntiland oo maanta Go'aano isla meel dhigay qodobana soo saaray

Waxaa Maanta kulan Xasaasi ah yeeshay inta badan Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Puntiland kuwaa oo si wada jir ah uga digay in aysan dhicin doorasho xalaal . Musharixiinta ayaana eeda wax kasta oo ka xumaada Doorashada Maamulka Puntilnad waxa ay sheegeen in eedeeda uu yeelanayo Madaxweynaha xilkiisa sii dhmaanayo kana mid ah musharixiinta mar kale u tartamaysa Hogaaminta Puntiland.

Qaramada Midoobay Oo Gacanta Isu Saartay Cabdiraxmaan Faroole Iyo Cadde Muuse

(SLT:Hargaysa) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ka Odayeeyay sidii ay isugu keeni ahaayeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheeh Maxamed (Faroole) iyo Madaxweynihii hore General Cadde Muuse Xersi. Wakiilka Xafiiska Qaraada Midoobay ee Soomaaliya Nuuradiin Aadan Diiriye,ayaa shalay isugu  keenay  Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe General Cadde Muuse Xersi. Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Madaxweynaha xilligan Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Booliska Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Yeelanaya Sharciyad Meel-Mar Ah

(Bakinews) Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa markii ugu horreysay yeelanaya Xeer Sharci ah oo ay ku hawlgeli doonaan, isla markaana ay Golayaasha Sharci-dejinta qaarna ansixiyeen, kuwo kalena la filayo inay dhaqso u ansixiyaan, Madaxweynuhuna qalinka ku duugi doono dhaqan-galkiisa.

Muqdisho:Maxkamada Ciidamada Oo Xukuno Ku Riday Rag Lagu Eedeeyey In Ay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab

(Bakinews)  Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta u fadhiisatay dacwad ka dhan ah shan ruux oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen xarrakada Al-shabaab. “Shanta ruux ee loo fadhiisatay dhageysiga dacwadooda, labo ka mid ah waxaa lagu hellay danbigii lagu soo eedeeyay, mid waxaa lagu xukumay shan sano oo xadhig ah halka mid kalana lagu xukumay hal sano oo xadhig ah, waxaana amarnay la sii daayo sadexda kale, laakiin waxaa lagu xukumay in todobaadkiiba labo jeer iska xaadiriyaan xafiiska nabad-sugida gobolka,’’ ayuu yidhi  guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble.

Maamul-Xumo Ka Jirta Wasaaradda Daakhiliga Oo Sababtay In Masuul Kastaa Jeebka Ku Qaato Shaambad Wasaaraddu Leedahay

(Bakinews) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaantay qoraal lagu kala xadeeyey degaannada woqooyiga Hargeysa oo 21 December 2013 ka soo baxday Agaasime-waaxeedka wasaaradda u qaabilsan maamulka gobollada iyo degmooyinka.

“Waxaa Naga Go’an In Aanu Khasaare Gaadhsiino Ciidamada AMISOM Ee La Soo Kordhinaayo…Shacabkana Waxaanu..”Al-Shabaab

(Bakinews)  Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegtay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.

Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo Heshiiyey xilli ay Maxkamadda sare hor taalo dacwadoodii

Hargeysa(Bakinews) fadhigii Golaha wakiiladda ee manta ayey mar kaliya ka soo muuqdeen Guddoomiayah golaha Wakiiladda iyo ku-xigeenkiisii Dacwada ka geeyey Maxkamadaha Dastuuriga ah iyo ta sare, waxaanay wada guddoomiyeen fadhigii Golaha ee manta oo ay kursiga laga hago isaga kaceen oo midkoodba mar hogaamiyey Golaha.

Cisbitaalka Hargeysa oo is weydaariyey laba Meyd oo qolka Meydka la keenay iyo muran labadii Reer dhex maray

Hargeysa(Baki news ) Cisbitaalka Hargeysa ayaa isku qalday laba Meyd oo carruur ahaa oo u ku soo dhintay shilal baabuur kuwaasoo midkood ahaa Arday yar oo iskuul ku socday oo uu bas jiidhay, halka ka kale aan illaa hadda la garanayn cidii dishay.

Tirada dhaawaca ee boolisku geysteen oo kor u kay nudaharaada ka socda koonfurta hargeysa

Hargeysa(Bakinews) Tirada dadka dhaawaca ah ee mudaharaadka Hargeysa ka socda ayaa gaadhaysa sadex qof oo mid ka mid ahi yahay ilmo yar oo laba iyo toban jir ah oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe C/rashiid C/laahi.

Jawaabtaydii ku Wajahnayd Maansadii Abwaan Dhinbiil.Ee RUUFAAD Ee Ku Wajahnayd Warbaahinta Gobolka Mid Ka Mida Iyo Aniga Aragtida Igaga Aadan Waxaan Tiriyay Heesta (run)..hal-abuur c/qani maxamed xuseen

(Bakinews )WAXAAN HALKAN IDINKU SOO TABINAYA JAWAABTII MAANSADII RUFAAD EE UU TIRIYAY ABWAAN MUSTAFE DHINBIIL

Maansadii Rufaad ee Abwaan dhinbiil

(Boorama Bakinews) waxaan halkan ugu soo tabinayaa akhristayasha shabakada www.Bakinews.tk maanso la magac baxday Rufaad maansadana waxa curiyay abwaan mustafe dhinbiil

Madaxweynaha Somaliya oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin

Bakinews Nairobi, 28 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud  ayaa kulamo gaar gaar ah shalay iyo xalay Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin  islamarkaana  kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Mudaharaadka ka socda hargeysa oo qofkii ugu horeeyey ku dhintay iyo rasaasta oo Hadh-beeshay.

Hargeysa (Bakinews) Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya mudaharaad hargeysa Ka socda ayaa sheegaya in uu xaafada oktoobar ku dhintay nin cadayle ah oo ay haleeshay rasaasta ay boolisku ridayaan. Waxa xaafadaha siinaay, oktoobar, maxamed mooge iyo calaamadaha Ka dhacaysa rasaas xad dhaaf ah oo ay booliisku u ridayaan si qayral caadi ah, iyadoo la moodo in ay la dagaalamayaan cadaw ku soo duulay.

Dadka Naanaysta Leh Oo Madaxtinimada Iyo Shaqo Helida Kaga Fiican Kuwa Kale

(Bakinews) Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in dadka naanaysaha wanaagsan ee macne ahaan ku fadhiya mansabyo sare sida boqor, boqorad, caaqil ay helaan shaqooyin mansabyo sare leh amma inta badan ay noqdaan madax.

“Wasiirrada Qaarkood Waxay Dalbadeen In Ay Shaqada Ka Tagaan, Qaarna Anigaa Xilka Ka Qaaday Ka Dib Markii…” Recep Tayyip Edogan

(BAKINEWS) Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, isla markaana sheegay inay xubno Wasiirrada ka tirsani codsadeen inay shaqada ka tagaan, kuwo kalena uu isagu u eryey eedo musuqmaasuq oo ay galeen.

Dadaal loogu jiro sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda koonfurta suudaan

Waxaa la sii xoojiyay dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka Suudaanta Koonfureed, halkaasi oo la aaminsan yahay inay kumanaan qof ku dhinteen tobankii maalmood ee la soo dhaafay.

Qabow Darran Oo Maalmihii U Danbeeyay Ka Dhacaya Magaalada Boorama Iyo Suuqyada Lagu Iibiyo Dharka Mar La Soo Isticmaalay Ee Loo Yaqaano “Huuga” Oo Xaamiya +SAWIRRO

Boorama-(BAKINES) Waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Boorama ka dhacayay qabow aad u daran taas oo  hadaba waxay maanta  kamarada BAKINEWS ay booqtay suuqa lagu iibiyo dharka laga xidho dhaxanta ee  loo yaqaano koodhasha ama Jacketka.

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax dad badan ku dhinteen oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta abaaro 10-kii Subaxnimo qarax xoogan oo ah Nuuca Miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Maqaayad kutaala Xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile gobolka Banaadir.

Prof. Axmed I. Samater, Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Wuxuu Somaliland U Soo Faa’ideeyay Mudadii Uu Maqnaa

(Baki news -Hargeysa) – Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo muddo shan bilood ah dalka ka maqnaa ka dib markii uu hore Somaliland u yimid bishii July ee sanadkan dhamaanaya, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay.

daawo sawirada xilwareejintii maanta ee raysal wasaaraha cusub ee soomaaliya

Baki news --- muqdisho Munaasabad balaaran oo xilka kula kala wareegayeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Abdiwelli Shekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaraha, waxaana kasoo qayb galay Munaasabada Xil Wareejinta Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud iyo xubnaha golihii hore ee Wasiirada Xukuumadii Shirdoon Marti sharaf iyo dadwayne kale.

RW C/wali oo Xafiiska la wareegay

Muqdisho (Baki news)—RW C/weli Sheekh Axmed, RW Cusub ee DFS,ayaa Maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ula wareegay Xafiiska kadib Xaflad ka dhacday Villa Somalia Xaflada waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Burco -(Baki news )- Qoyska nin dhawaan Ku Dhintay Mudaraadki Burco oo muddo 3 Cisho ah diidanaa in la aaso ayaa la sheegay inay ugu danbayn ogolaadeen. Qoyska marxuumkani  ka soo jeedo ayaa Markii hore nidar ku galay ilaa iyo inta cidii ninkaa dishay loo keenayo inaan  ninkaas la aasayn balse wasiiradii deminta iyo xalinta shaqaaqadii Burco loo diray ku fashilmeen inay Beesha marxuumku ka soo jeedo dhacsiiyaan in la aaso ayaa wasiirka ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo ay marxuumka isku beel ka soo jeedaan laga daba-diray si uu shuruudaha aaska meydka lagu xidhay u furdaamiyo. Iyadoo ugu dambayntii wasiirka ciyaaruhu arintaas furdaamiyay la islana qaatay maanta in ninkaas la aaso, somaliland ayaa maalinkasta oo mudaharaad ka dhaco waxa ku dhinta dad rayid ah iyadoo arintaas aan wali la xalin waxaana xukuumadda looga fadhiyaa inay arimaha no`ocan ah ee soo noqnoqda ay xaliso .

Khubaro saadaalisay waxa sanadka cusub ee 2014 dunida ka dhici doonta oo ka kooban 10 qodon

Bakinews ----Khubaro falanqaynta dunida ku takhsustay oo Websetka Al jazeera ku qortay maqaal aad u xiiso badan ayaa ku soo bandhigtay waxyaabo la rajaynaayo in ay hirgalaan sanandka 2014 ee inagu soo fool leh, inkastoo Ilaahay ogyahay wixii maqan ee dhici doona, haddana bal waynu u wada joogi waxa ka hirgala Qodobadan .

War Deg Deg ahMudaharaado ka socda barriga iyo Galbeedka Hargeysa iyo Biyo la’aan soo food saartay xaafado badan

Hargeysa(Bakinews) Mudaharaado balaadhan oo biyo tiray xaafadaha Hargeysa ayay saaka ku dhaqaaqeen IskaashatadaBooyadaha Hargeysa, kuwaas oo dhawr boqol oo booyadood oo Hargeysa u dhaamin jiray ku ururiyey barxado ku yaala Hotelka Crown iyo Shiraaqle ee Barriga iyo Galbeedka Hargeysa. Booyadlayaasha ayaa ka cabayanay cashuuro ay ku soo rogeen Dawladdea Dhexe iyo ta Hoose ee Somaliland, waxaanay sheegeen illaa xukuumaddu ka noqonayso Tacriifadahaas in ay wadayaan Mudaharaadka.

Wasiir Cukuse iyo Wasiir Maxamuud Xaashi oo Madaxtooyadda isku farasaari gaadhay,Waa maxayse sobobtu

Hargeysa(Bakinews ) warar hoose oo aanu ka helnay dad ka ag-dhaw Madaxtooyadda ayaa Waaheen u sheegay in laba wasiir oo ka tirsan Xukuumaddu isku farasaareen Madaxtooyadda Dhexdeeda, kadib markii ay isku qabteen arrin dhex martay.

Qoraalka rasmiga ah ee Golaha Wakiiladdu kaga jawaab celiyey Dacwadii Maxkamadda sare

Hargeysa(bakinews) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa qoraal rasmi ah ugu jawaab celiyey Dacwad uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku soo Oogay isku-shaandhayntii Guddid hoosaadyada Golaha wakiilada, taasoo ay u gudbiyeen labada Ku-xigeen ee Golahaasi. Nuqul ka mid ah qoraalka jawaab celinta ah oo lagu baahiyey Mareegta Golaha Wakiiladda

Dhismaha wadada isku xidha dila iyo boorama oo maraya meel wanagsan iyo laami la dhigay dhawr km daawo sawiro

Borama(Nuux kadiye) Hawlaha dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama oo ay gacanta ku hayaan hayada ASARDA ayaa meel wanaagsan oo gabo gabo ku dhaw maraya, maanta waxa laami la dhigay dhawr km oo jidkaasi ah, taasi oo ku dhawaynaysa jidkaasi dhamaad, waxana ay maanta wadadu Afka soo saartay magaalada Gorayacawl oo ay ku joogtay jidka laamiga ah ee ka taga magaalada Boorama. Hawshan socota ayaa maanta waxa soo booqday Sh. Maxamed Shiine oo ka mid ah culimadad waawayn ee Soomaaliyeed, waxana markii uu halkaasi tagay wehelinayay, Sheekhul baladka Boorama, odayshaqameedyo, xubnaha hayada ASARDA oo aan kala hadhin iyo suxufiyiin.

Wasiiradda Burco u jooga shaqaaqadii ka dhacday oo Cisbitaalka ku booqday labadii Askari ee dhaawacmay

Burco(Nuux kadiye) Shan Wasiir oo Burco u jooga xalinta dhibaatadii uu sababay Mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa saaka ku booqday Cisbitaalka Guud ee magaaladaasi laba Askari oo ay ciidanku ku dhaawaceen shaqaaqadii ka dhacday ee ay dadweyne la soo abaabulay kaga gadoodee n bedelaada Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer ee shalay xilka wareejiyey.

Rugta Ganacsiga Somaliland oo Hambalyo iyo Bogaadin u dirtay hogaanka cusub ee Rugta Ganacsiga Jabuuti

Hargeysa (Nuux kadiye) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somalailanad Maxamed Shugri Jaamac iyo xubnaha Guddida fulinta ayaa soo saaray War-saxaafadeed isugu jira Hambalyo iyo Bogaadin ay u dirayaan Hogaanka cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Dalka Jabuuti. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubnaha Guddida Fulinta oo kala ah:-

Nicholas Kay oo Musharixiinta Puntland ku faray in ay ka Amar qaataan Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland

Muqdisho(Nuux kadiye) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa ka war ka soo saray shalay hanaanka doorashooyinka Puntland isagoona ku baaqay in tanaasulaad la isku sameeyo si horey loogu sii ambaqaado

Maayarka Magaalada Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi Oo Ka Hadlay Arimo Muhiim Ah Oo Ay Dadwaynuhu Su’aalo Badan Iska Waydiinayeen Maalmihii U Danbeeyay

Borama-(Nuux kadiye)-Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa maanta u waramay warbaahinta maxaliga ah, waxana uu ka war bixiyay dhawr arimood oo ay dadwaynahu doonayeen in ay dawlada Hoose  ee Boorama kala iftiimiso.

Dowlada Soomaaliya oo Shaaca ka qaaday tirada Soomaalida ee ku dhimatay Dagaalada kasocda Dalka South Sudan

Sii hayaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay socdaal ay ku tagtay Dalka Dunida ku cusub ee Koonfurta Sudan oo maalmahan dagaalo kasocdeen.

Xawaaladihii ka shaqeenayay Degmada Afgooye oo Maanta la xiray iyo Faah Faahino kasoo baxaya cida xirtay

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheega in la xiray xarumihii Xawaaladaha ee ka howl shaqeenayay degmadaasi kadib markii ay sidaasi amreen masuuliyiin katirsan Maamulka Degmadaasi.

Somaliya Oo Ka Baxday Wada-hadalii Ay Kula Jirtay Somaliland,Shuruudna Uga Dhigtay Somaliland In Ay Marka Hore Ka Noqoto Gooni Isu Taaga.

Nuux kadiye Hargeysa--------Dawladda Federalka Somalia ayaa Si Badheedh ah Daneeyayaasha Dhexdhexaadinaya Labada Dhinac ugu bandhigtay inaanay dib u soo xaadiri doonin Wada-hadal dambe oo ay Somaliland la leedahay ilaa iyo inta ay somaliland ka Tanaasulayso Qoddobka Qaddiyaddda Madax-bannaanida.

Ninkii sameeyay qoriga caanka ah ee AK47 Mikhail Kalashnikov ayaa geeriyooday isaga oo 94 jir.

Kalashnikov waxa uu ku dhashay saboolnimo sanadkii 1919, dhulka buuraleyda fog ah ee Atlai ee Ruushka. Waxa uu ka mid ahaa 17 caruur ah oo qoyskuudu lahaa. Kalashnikov qorigiisa waxa uu noqday qori shaqsiyeedka rasmiga ah ee dalkii Midowgii Sofiyeeti iyo ciidanka Ruushka markii danbe. Malaayiin qori oo naqshadiisa laga sameeyay ayaa adduunka laga soo saaray ilaa markaasi. Kalashnikov waxa uu ahaa 94 jir Qorigiisa AK47 waxa uu noqday mid ka mid ah kuwa caansan caalamka. Laakiin Lacag badan kama sameyn, waxaana mar laga soo xigtay isaga oo yiri waxaa dhaqaale

Xukuumadda Somaliland oo shirkadda Diyaaradaha Al-carabiya heshiis kula galaysa Maamulka Madaaradda

Hargeysa(Nuux kadiye) Xukuumadda Somaliland ayaa wadahadal la bilowday shirkadda Diyaaradaha Al carabiya ee laga leeyahay dalka Imaaraadka, taasoo doonaysa in ay Madaarada Dalka ka hawl-gasho isla markaana Maal-gelin ku samayso.

Booliiska oo xabsiga dhigay Guddoomiyaha Ururka qareenada Somaliland (SOLLA)

Hargeysa(Nuux kadiye ) Booliiska ayaa maanta xabsiga dhigay guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Foosi Sh Yoonis, kadib markii uu shalay diiday waaran ay Maxkamadda  Sare ee ciidamaddu ugu soo jartay waaran Dacwad uu Qareen ka ahaa oo uu ka soo xaadiri waayey, kadib markii uu garsooraha Dacwadaas gacanta ku hayaa ka diiday in uu Dib ugu dhigo Dacwadda. Qareen ka mid ah Ururka Qareenadda ayaa Waaheen u xaqiijiyey in ay Booliisku qabteen maanta Duhurkii iyagoo ku xidhay saldhiga Dhexe ee Hargeysa.

Xukuumadda oo saddex wasiir u dirtay Burco iyo mudaharaad Zero-ga ka bilaabmay

Burco(nuuxkadiye) xukuumadda Somaliland ayaa sadex wasiir saaka salaadii u dirtay magaaladda Burco, kuwaas oo kala ah wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole.

War cusub faahfaahin laga helayo dagaalka ka socda deegaanka afgooye ee shabeelaha hoose

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Degamada ayaa sheegaya in Dagaalku uu geestay Khasaare farabadan. Dagaalka ayaa Salka ku haya hadalkii Habeen ka hor ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ahaa in la toogto Qofkii lagu arko asagoo Isbaaro u taalo. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Weeraray Ciidamo kale oo ayaguna ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo Isbaaro dhigteen Duuleedka Afgooye.

War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo goordhaw ka qarxay Afgooye iyo Faah Faahin laga helayo cida uu u dhaxeeyo

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka qarxay Dagaal aad u Culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xisbiga Ucid oo Xubin-nimadii ka qaaday Xoghayihii Is Casilay.

Hargeysa (Nuux kadiye) kulan ay yesheen Gudiga  fulinta xibigaasi ayaa waxa ay xubinimadii ka qaadeen xoghihii guud ee dhawaan is casilay sidaasina waxay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen oo nuqul ka mid ahay uu soo gaadhay Xafiiska wararka ee Waaheen Warsaxaafadeedkaasina waxa uu udhignaa sidan:- Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey  21/12/2013 Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid  Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casiley,Lagana Aqbaley

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Oo Waxba Kama Jiran Ku Tilmaamay Is Afgaradkii Shirka Dooda Qaran Ee Ay Xisbiyada Qaranku Ku Heshiiyeen In Dooda Qaran Lagu Wareejiyo Akadamiyada Nabada

HargeysaNuux kadiye-Gudoomiyaha  xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafada kula hadlaayey xafiikiisa ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah jirin wax ay ku heshiiyeen oo la xidhiidha shirka dooda qaran ee ay hore saddexda xisbi qaran sheegen in lagu wareejiyey qabashadeeda Akadamiyada Nabada. gudoomiyaha oo laba cisho ka hor saxeexay isaga oo mataalayey xukumada Somaliland ogolaanshaha dooda qaran ayaa sidan maanta saxaafada u sheegay, waxaanu intaas ku daray inay ku heshiin oo kaliya saddexdan qodob.waxa uu sheegay gudoomiye muuse Biixi in ay saddex qodob oo kali ku heshiiyeen

Cali Mareexaan iyo Salaadiin ka soo jeeda New Hargeysa oo Madaxtooyaddu soo siisay Tiyaatarkii Cumar Caydiid dhistay

Hargeysa(Nuux kadiye ) Madaxtooyadda ayaa la sheegayaa in ay soo siisay qayb ka mid ah Tiyaatarka Hargeysa Xildhibaan Cali Mareexaan, C/laahi Geel-jire iyo laba Suldaan oo ay isku shaqaystaan si ay macaash buuran uga helaan. Talaabada Xukuumaddu ku siisay Kooxdan magaca Xukuumadda ku qadhaabata ayaa la sheegayaa inay ka gadoodeen Beesha Cumar Caydiid oo ah Ganacsadihii hore Tiyaatarka loo siiyey ee dhisay, waxaanay nidar ku mareen in ay ku Dili doonaan haddii kooxdaasi u soo dhawaato.

War Deg Deg Ah Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh Codka Kalsoonida goordhaw u siiyay Ra'izul Wasaaraha Cusub

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw Codka Kalsoonida waxa ay si aqlabiyad leh u siiyeen Ra'izul Wasaaraha Cusub Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo Maanta Baarlamaanka hortagay si uu Kalsooni uga helo.

Xukuumadda oo qaadacday doodii sadexda Xisbi isku raaceen in Akadamiyadda Nabadu qabato Xukuumadda oo qaadacday doodii sadexda Xisbi isku raaceen in Akadamiyadda Nabadu qabato

Hargeysa(Nuux kadiye) warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Axmed  Maxamed Maxamuud Siilaanyo qaadacday doodii sadexda Xisbi Qaran isku raaceen in ay si dhex ah u qabato Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka.

Maxkamadda Sare oo saartay Amar ay ku hakinayso fadhiyada Golaha Wakiiladda, kadib markii ay ku-xigeenada Cirro Dacwad ka dhan ah u gudbiyeen

Hargeysa(Nuux kadiye) Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Maxamed Yuusuf ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cirro geeyey Maxakamadda sare ee Dalka, waxaanay Maxkamaddu Golaha u soo qortay in la hakiyo Kal-fadhiga Golaha.

Cirro oo banaanka dhigay labadiisii ku-xigeen iyo Golaha oo duuduub ku Ansixiyey Qorshayaashiisii

Hargeysa(Nuux kadiye) kal-fadhigii Golaha Wakiiladda oo maanta furmay ayaa lagu Ansixiyey  guddidii joogtada ahaa ee khilaafka ba’ani ka taagnaa taasoo ay cod gacan tag ah ku meel mariyeen 47 mudane, shan xildhibaan baa diiday, sadexna way ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu coday, sidaasna waxa ku dhaqan gashay guddidii Guddoomiyuhu watay.

Tirada-Wariyeyaasha-Lagu-Dilay-Caalamka-Sannadkan-Dhammaanaya-Ee-2013

HargeysaNuux kadiye-Hay’adda wariyaasha aan xaduuda laheyn ayaa warbixin ay soo saartay oo ay kaga hadlaysay tirada wariyaasha dunnida lagu dhibaateeyay sannadkan gababada ah ayaa waxaa ay sheegtay in sanadkaan oo aan willi dhamaan dunida lagu dilay 71 wariye.

Wafdi U Hogaaminayo Wasiirka Kheyraadka soomaaliya Oo Nabadeeyn U Jooga Beledweyne Oo Soo Saaray Go’aanno

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka  Kheyraadka Dalka, oo gobolka Hiiran u joogay xalinta colaad dhexmartay Beelo Walaalo ah oo gobolkaasi wada dega ayaa waxa ay soo saareen qo’aano aas aas u ah xalinta dhibaatada Deegaannadaasi ka taagan

Munaasibadda Xuska Sannadguurada 70-aad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Nuux kadiye -------Munaasibadda Xuska Sannadguurada Tobaatanaad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya  Munaasibadda Sannadka Guurada Todobaadtanaad ee Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu dagaal deggooda ka socdaa, iyadoo maanta Gaadda kacayaal aad u qurux badan ay ku soo bandhiggeen Fagaaraha dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho.

Qaramada midoobay oo 3 askari looga dilay Suudaanta Koonfureed

Xoogaga mucaaridka ee kacdoonka hubeysan ka bilaabay dalkaasi Sudaanta Koonfureed ayaa gudaha u galay xerada ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugnaa magaalada Akobo ee gobalka Jonglei.

Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Gartooda lagu galay Madaxtooyadda

Hargeysa(Nuux kadiye) Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo khilaaf ka dhashay falkii lagu weeraray Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile u dhaxeeyey ayaa la sheegay in xalay markii ugu horaysay la isku soo hor fadhiisiiyey Qasriga Madaxtooyadda kadib markii Suuqa la soo galiyey khilaafkooda.

Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo soo saaray Warsaxaafadeed uu labo Arimood kaga hadlay.

Muqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho. Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada, laguna khal khal galinaya amniga.

Mucaaradka Koonfurta Suudaan oo qabsaday magaaladda Bor ee caasimada Gobolka Jonglei

Bor(Nuux kadiye) wararka ka soo baxaya dagaalka ka socda dalka Koonfurta Suudaan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dalkaasi Salva kheir iyo Maleeshiyo taabacsan Madaxweyne  ku-xigeenkii uu xilka ka qaaday ee Riek Machar ayaa sheegaya in ay Mucaaradku qabsadeen Caasimadda Gobolka Jonglei ee Bor.

Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Cirro oo maanta Qasriga Madaxtooyadda la isugu geeyey

Hargeysa(Nuux kadiye) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, isla markaana ahaa Af-hayeenka wadahadalada khilaafka dooda Qaran ee Mucaaradka iyo Xukuumadda.

Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo ku fashilmay adeega Madaarka iyo Diyaarada African Express oo banaanka soo dhigtay

Hargeysa(Nuux kadiye) wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda maamusha adeegyada Madaarka Hargeysa ayaa maanta ku fashilmay diyaaradda Afrikan Express in ay u kiciyaan Injiinka kadib markii diyaaradaasi oo saaka soo fadhiisatay ay Duuli kari weyday baytariyadii oo ka seexday darteed.

Xukuumadda oo kooxda kubada cagta ee ODHA ka mamnuucday Garoonka dhalinta

Hargeysa(Nuux kadiye) wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta  Agoomaha Hargeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay garoonkaasi ku ciyaari Karin kooxda ODHA ee Faadumo Siciid.

Lixdii Bilood Ee U Dambaysay Waxaynu La Soconaa In Qiimaha Duxushu Gaadhay $ 15 doolar” Madaxwayne Ku Xigeenka JSL

Hargaysa(N.K) Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland, ayaa huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa shalay ka furtay bandhigga Cilmiga Tamarta Somaliland, kaasi oo socon doono muddo saddex Maalmood ah.

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada boorama wafti uu madaxweynihii hore ee awdal kana qayb qaaten waxgaradka iyo dadweynahay magaalada boorama

Borama(N.K) Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee G.awdal oo ay weheliyaan Bulshada kale duwan eek u nool magaalada borame ee xarunta Gobolka Awdal ayaa waxa ay Maanta si aad Uu balaadhan loo soo dhawayey Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo madaxweynihii hore Awdal State oo hada ka noqday Mawqifkii Soomaali wayn ee uu horay u aaminsanaa ,taasi oo uu in muddo ahba taageersanaa hadana waxa uu ka noqday mawqiifkaasi waxana waftigan ku wehelinayay badhasaabka gobolka awdal cabdoo axmed aayar Hadaba waftigan balaadhan ee uu hogaaminayey Garyaqaan C/rashiid awnuur xirsi laga hortagay afaafka hore ee gobolka awdal gaar ahaan degmada dilla halkaasi oo ay goob joog ay ka ahaayeen bulshada ku nool degmadaas oo ay hogaaminayaan madaxda degmada dilla iyada oo ayna halkaasi ay ka dhacday munaasibad uu balaadhan.. daawo sawiro ku saabsan so dhawayntii waftigan balaadhan 

Riek Machar: Afgembi kama samayn Juba

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan ayaa beeniyay inuu qeyb ka ahaa afgembi ay dowladda sheegtay inay fashilisay. Riek Machar ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Salva Kiir ay doonayso inay qalalaasaha socda u adeegsato inay meesha ka saarto dadka ka soo horjeeda.

Boorama: Isuduwayaal la badalay iyo qaar cusub oo la magacaabay iyo hadal haynta dadweynaha magaalada boorama

Boorama, – (NK) – Boqolaal dhallinyaro ah ayaa shalay magaalada Boorama ku soo dhaweeyay isduwe cusub oo loo magacaabay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Awdal, iyadoo dhinaca kale dareenno xoog lihi ka soo kordhayaan isku shaandhayn laba isuduwe midna lagu eryey midna lagu Badalay mid kale, kuwaasoo kala ah isuduihii hore wasaaradda ciyaaraha oo loo badalay wasaaradda duulista iyo hawda, halka xilkii isuduwenimada wasaaradda duulista laga qaaday maamulihii hore ee wasaaraddaasi u joogay Awdal.

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen