Skip to main content

Wasiir Cukuse iyo Wasiir Maxamuud Xaashi oo Madaxtooyadda isku farasaari gaadhay,Waa maxayse sobobtu

Hargeysa(Bakinews100-438x300) warar hoose oo aanu ka helnay dad ka ag-dhaw Madaxtooyadda ayaa Waaheen u sheegay in laba wasiir oo ka tirsan Xukuumaddu isku farasaareen Madaxtooyadda Dhexdeeda, kadib markii ay isku qabteen arrin dhex martay.


Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa laga soo warinayaa in ay doraad isku fara saareen Qasriga Dalka looga arrimiyo hase yeeshee lama sheegin khasaare ay is-gaadhsiiyeen.
Ma cada labad Wasiir waxa ay isku maageen, hase yeeshee sida Suuqa ku jirta waxa ay ka soo kala jeedaan kooxaha talada Xukuumadda ku loolama kuwaas oo khilaafkii Kulmiye kadib arrintoodu aad usoo shaac baxday.
Wasiir Cukuse ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in ay xukuumaddu aqbashay dooda Qaran magaca ay doonto haloo bixiyee, sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka Golaha Wakiiladda oo uu sheegay in aanay xukuumaddu shaqo ku lahayn, isagoo soo jeediyey shirgudoonku dhexdooda in ay dhamaystaan.
Labada qoddob ee uu shalay Cukuse ka hadlay ayay Xukuumaddu aad ugu kala duwanayd shalay ka hor, waxaana warar is-khilaafsan kaga dhawaajiyey Guddoomiyaha Kulmiye, Af-hayeenka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, halka ay warbaahinta kala duwani daabacday kulankii Madaxtooyadda ku dhex maray xildhibaano ka soo jeeda barriga Burco iyo Madaxweynaha, taasoo daaha ka fayday in Xukuumaddu saamaynta ugu badan ku leedahay.
Sidoo kale, khilaafkii Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ayaa Golaha wasiiraddu si xoog ah ugu kala safteen, waxaanay u kala baxeen qaabka ay kooxaha talada dalka hayaa u kala awood badan yihiin, iyadoo ay noqotay markii ugu horaysay ee ay soo shaac baxdo kooxda Cukuse iyo in lagaga xoog batay arrintaas, isla markaana lagu muquuniyey cudud iyo farsamooyin kale oo ka socda xukuumadda dhexdeeda.
Waxa kale oo la hadal hayaa in khilaafkoodu ka dhashay Madaarka Hargeysa oo la sheegay in khilaaf dhinaca dhulka ahi ka taagan yahay kaasoo u dhaxeeya wasiirka iyo dadka deegaanka, maadaama Madaarka lagu xidhayo Silig.
Marka laga tago arrimahaas waxa kale oo taagan muran u dhaxeeya Tagsiilayaasha Madaarka ka xamaasha iyo wasiirka Duulista kaasoo ka dhashay shirkad ka mid ah shirkadaha hargeysa ka shaqeeya oo wasiirku heshii kula galay in ay kaligood ka shaqeeyaan Madaarka.
Ma cadda in dagaalka Cukuse iyo Maxamuud Xaashi saamayn ku leeyihiin dhacdooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay hase yeeshee sida ilo wareedka arrintan aanu ka helnay sheegayaan kama foga xurgufta siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Xukuumadda kuwaas oo aad moodo in cid kala celisaa aanay jirin.
Mana aha dhacdadani tii ugu horaysey ee ka dhex dhacda Qasriga Madaxtooyadda, laakiin waxa dhawr jeer oo hore dhacay dhacdooyin noocan oo kale ah.100-438x300

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.