Skip to main content

Khilaafkii shirweynaha Kulmiye oo xukuumadda Jiheeyihii ka Lumiyey iyo Axsaabta Mucaaradka ah oo meel madhan Garaacaysa


warHargeysa(Nuux kadiye) Khilaafkii shirweynihii Kulmiye oo wali taagan ayaa u muuqda in uu Xukuumadda talada hays aka Lumiyey Jiheeyihii lagu maareyn lahaa dayawga ka taagan khilaafaadka Maamul iyo kuwa Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda dhexdeeda iyo Axsaabta Mucaaradka ah.
Sadexdii sano ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud talada dalka hayey waxa muuqday cabashooyin isa soo tarayey oo ay qaybaha bulshadu qaarba meel u food saaraynayeen, hase yeeshee sanadka Afraad ee ay xukuumaddu gashay waxa muuqata in khilaafkii Kulmiye meesha ka saaray daahii saarnaa tuhunkaasi, waxaana soo baxaya dareeno muujinaya rajadii laga qabay in taladu xaga danbe ka hagaagi doonto.
Loolankii adkaa ee Kulmiye dhexdiisa ka dhacay ee u dhaxeeyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo garab xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ka tirsan hogaaminayey iyo Garab kale oo labada dhinacba ka soo jeeda oo uu Wasiir Samaale hogaaminayey ee ay soo faragaliyeen koox is-huwan oo sheegatay Mus-danbeedka beesha talada Dalka ayaa qaaawisay tuhun kasta oo ay bulshadu ka qabtay inay gadaal wax ka hagaagayaan.
Kooxda Mus-danbeedka Talada Dalka sheegatay waxa ay Kulmiye gayeysiiyeen in uu ka dhasho khilaaf illaa wali aloosan oo uu ka qabsoomi kari la’yahay shirweynihii Xisbigu, iyadoo muuqatay rajo ah in nidaam Dastuuri ah iyo mid Xisbi ay ku kala baxayaan siyaasiyiinta Xukuumadda talada haysa ka soo jeeda ee kursiga damacu kaga jiro iyo kuwa Xisbiga Kulmiye gadh-wadeenka ka ahiba.
Go’aankii ay gaadhay kooxda sheegata Mus-danbeedka beesha xukuumadda talada dalka haysaa ka soo jeedo waxa ay faragalintoodii  meesha ka saartay in shirweynaha lagu kala calaf qaado daayoo in xataa aanay muuqan in shirweynihii Xisbiga Kulmiye wakhtigiisii ku qabsoomi doono.
Dhul-gariirkii ay ku rideen kooxihii ku loolamayey Kulmiye marka laga tago Mus-danbeed-nimadoodii waxay keentay in aanay ku ekaan oo kali ah gudaha Kulmiye iyo xukuumadda’e inay u gudbaan in aya dalka ka curiyaan Khilaafaad Siyaasi ah kuwaas oo sadheeyey min Axsaab siyaasi ah, Golayaashii Baarlamaanka illaa Hay’adihii kale ee Dawladda.
Waxa ay dagaal adag ku qaadeen Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi oo dhinaca kalena ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani  oo ay laba jiho ka weerareen, kuwaas oo kala ah awoodiisii maamul ee Golaha uu ka arrimiyo iyo tii siyaasadeed ee ay olaga ku ahaayeen labada xisbi Mucaarad iyo madasha wadatashigu.
Guddoomiye Cirro oo si qaawan uga jawaabay faragalinta Kooxda talada dalka Gadh-wadeenka ka noqotay ee la baxday Mus-danbeedka ayaa ku tilmaamay Carruur qal-qaali ah isagoo si badheedh ah farta ugu fiiqay in Madaxtooyadda laga soo dhaqdhaqaajiyey, waxaanu ugu hanjabay in ay farta dhexda ka qaniini doonaan haddii aanay joojin basar xumada siyaasadeed ee ay ku faragalinayaan Golihiisa.
Hadalka C/raxamaan Cirro maalintaas ka dhawaajiyey ee uu ku ganay kooxdan Mus-danbeedka oo ahaa mid aan hore looga barani waxa uu la mid ahaa mid ay Bilowgii Xukuumadda Kulmiye ku ganeen Madax dhaqameedkii xukuumaddu xabsiga kala daashay ee Boqor Buurmadow iyo Raabi, kuwaasoo wakhtigaas lala yaabanaa halka ay ka arkeen.
Illaa hada ma muuqato Jiho rasmi ah oo la odhan karo waxa lagu maareyn karaa faragalinta ay kooxda Mus-danbeedku ku dhaqaajisay Irbadii Jiheeyaha siyaasadeed ee dalku higsanayey, waxaana soo if-baxaya xal la naawilo iska daaye in Bamka ay Qarxiyaha ka jareen ee aan wali qarxini saameeyey hawl maalmeedkii Xisbiga Kulmiye oo ay qalalaasaha siyaasadeed ku bilaabeen, kii Golaha wakiiladda oo Dib loo dhigay iyo kii Dooda Qaran ee ay mucaaradku abaabulayeen oo muddo dhaafay.
Sidoo kale waxa qasan khilaafaad sidii tusbaxa u furtay oo hoganaya Hay’addaha Dawladda, sida Telefishanka Qaranka, Wasaaradaha cadaaladda iyo Diinta iyo Aw-qaafta aoo ay Agaasimayaashoddii guud Dibad wareeg yihiin, khilaafka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo kuwo kaloo badan.
Talada Mus-danbeedku waxa ay maraysaa in la kala garan waayo jiho loo socdo maadaama uu khalkhalay Jiheeyihii siyaasadeed ee Dalku oo awal hore la tuhunsanaan jiray inay majaraha u hayeen Rag door ah oo farsamo ahaan iyo Dadnimo ahaanba bulshaawi ahaa balse dareenada ku gedaaman ee laga soo tabinayaa ay yihiin kuwo baalashii laga rifay oo ay doorkoodii qaateen kooxda uu Cirro sheegay oo ay ku bahoobeen Xildhibaano iyo Wasiiro aan waligood wax-san talin.
Anshax xumada siyaasadeed ee Kooxda Mus-danbeedka sheegata ee Xukuumaddu waxay Dalka u horseedaysaa in kooxo kale oo dano siyaasadeed leh oo shaadhka beelahooda soo gashaday iyana ay daba fadhiistaan Axsaabta Mucaaradka, taasoo Dalka dibu ugu celin karta Cahdigii dagaal beeleedyada haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo xilka u gudan sidii loogu dhiibay ee ahayd Doorashada Xorta ah iyo Nidaamka Dimuquraadiga ah

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g