Skip to main content

Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Deeq isku jirta Gaadhi Ambulance iyo Dawooyin Gaadhsiisay Salaxley


Salaxley (Nuux kadiye)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey  ayaa Maanta  waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada salaxlay.

Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo Maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeq kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu kaabo hawlahaasi iyo ta umulisooyinkaba, waxaanay deeqdaasi oo ka kooban qaybaha kala duwan ee daruuriga ah balse ay ugu sii muhiimsanaayeen 50 bustaha dhaxanta ah iyo 3000 oo Dollar oo madaxweynuhu  ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga boodhinka ah ee degmada salaxlay.
Lacagtaasi oo ay wasiirka waxbarashadu ku wareejiysey ururka degmada salaxlay ee loo yaqaan gaaroodi.
Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka dhiciska lagu koriyo iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambulance ah oo model kiisu yahay 2013 kaasi oo cusayb ah KM kiisuna uu socday uun inta u dhaxaysa berbera iyo salaxlay oo keliya hay’adduna ay toos uga dalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta loo yaqaan USA dollar.
Intaasi ka dib waxa halkaasi ay marwadu ku wareejisay gaadhigaasi isla maamulka degmada iyo kuwa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada salaxlay.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.