Skip to main content

“Waxaa Naga Go’an In Aanu Khasaare Gaadhsiino Ciidamada AMISOM Ee La Soo Kordhinaayo…Shacabkana Waxaanu..”Al-Shabaab

(Bakinews)  Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegtay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.


Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meel walba ay ku ugaadhsan doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoo u jeediyay shacabka inay ka cararaan baabuurta meelaha ay taagan yihiin iyo xarumahooda.



“Waxaa naga go’an inaan beegsanno ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaan dadka ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan baabuurtooda, saldhigyada ay ku sugan yihiin, xarumahooda iyo wasaaradaha dowladda,” ayuu yidhi Sh. Cali Maxamed Xuseen.



 “Ciidamada AMISOM ee lasoo kordhinayo waxaa naga go’an inaan khasaare gaadhsiinno, sida aan khasaare u gaadhsiinnay kuwa hadda jooga. Shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan goobaha ay daggan yihiin iyo meel walba oo ay joogaan, si uusan khasaare uga soo gaarin weerarrada ay la beegsanayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.


Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.