Skip to main content

Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyey xiliga la horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka DAAWO

Nuux kadiye-----Kulankan oo ahaa fadhiga 24aad ee Guddiga Joogtada ah ayaa ka dhacay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyadoo kulankana ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.
Qodobbada looga hadlay Shirka Guddiga Joogtada ah oo socday mudo Lix saacadood ah ayaa waxa ay kala ahaayeen:- Ansixinta qorshe howleedka uu Baarlamaanka ku shaqeynayo sanadka 2014, qorsheynta howlaha muddada ka harsan Kalfadhiga 3aad sida muddeynta anisixinta Xukuumadda cusub,anxisinta miisiiniyadda 2014,dhameystirka Hindiseyaasha Sharci ee Golaha yaala iyo qodobbo kale.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii uusoo gebageboobay kulanka gudigga Joogtada ah ee Baarlamaanka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno ayadoo Baarlamaankana uu Madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu ugasoo jawaabay codsigii Baarlamaanka ee ku aadanaa dedejinta magacaabista Ra’isulwasaaraha,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u mahad celiyey Shacabka.
“waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa,shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan
waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray XIldhibaannada Golaha Shacabka meelkasta oo ay joogaan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso Ansixinta Ra’isulwasaaraha waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay Xilkasnimo Darro.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiga Joogtada kulankooda maanta ay uga hadleen sida uu Baarlamaanka u dhameystiri lahaa hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka taasina uu guddiga isku raacay in sida hor u tabinta u kala leeyihiin Baarlamaanku uu fulinayo dhameysirkooda.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g