Skip to main content

Xisbiga Ucid oo Xubin-nimadii ka qaaday Xoghayihii Is Casilay.

Hargeysa (Nuux kadiye) kulan ay yesheen Gudiga  fulinta xibigaasi ayaa waxa ay xubinimadii ka qaadeen xoghihii guud ee dhawaan is casilay sidaasina waxay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen oo nuqul ka mid ahay uu soo gaadhay Xafiiska wararka ee Waaheen Warsaxaafadeedkaasina waxa uu udhignaa sidan:-
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 21/12/2013Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid  Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casiley,Lagana Aqbaley
Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga Ucid,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid
Hadaba waxa Uu  Axmed Keyse  si cad oo  badheedh ah u jebiyey xeer hoosaadka xisbiga
UCID Qodobadaas Oo Kala Ah:-
,Qodobka 7 aad,Farqadiisa,1,2,4,8  ——– Qodobka 8 aad Farqadiisa 3aad
  Qodobka 35aad Farqadiisa 1 aad Xarfihiisa a,b,c
Sidaa awgeed Waxaanu Warbaahinta La SocodSiineynaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid Isla Markaana Aanu Matali Karin Xisbiga Ucid
Cida Ku Qaabishana Xisbiga Ucid U Aqoonsan doono Cid Qawaaniinta Iyo Shuruucda Xisbiga Ucid Ku Gaftey
Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Isaga Oo Ixtiraama Weyn U Haya Ninkaa Odeyga Ah Waxaa Uu Ku Waaninayaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid



Ku Xigeenka Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid
                    Md: Xuseen Xasan Badmaax

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.