Skip to main content

Xukuumadda Somaliland oo shirkadda Diyaaradaha Al-carabiya heshiis kula galaysa Maamulka Madaaradda


al arabiyaHargeysa(Nuux kadiye) Xukuumadda Somaliland ayaa wadahadal la bilowday shirkadda Diyaaradaha Al carabiya ee laga leeyahay dalka Imaaraadka, taasoo doonaysa in ay Madaarada Dalka ka hawl-gasho isla markaana Maal-gelin ku samayso.

Ilo wareedyo u dhuun daloola qorsha ay ka wadahadlayaan Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Diyaaradaha Al Carabiya ayaa la sheegayaa in uu meel wanaagsan marayo, isla markaana dhawr jeer oo ay kulmeen isla meel dhigeen qaabkii ay qorshahaas u hirgelin lahaayeen, kaasoo la filayo in uu meel gabagabo ah marayo.
Wakiillo ka socda Shirkada Diyaaradaha Al Carabiya oo ka soo jeeda Barriga Burco ayaa la sheegayaa in ay wadaan maal-gelin balaadhan oo ay ku samaynayaan madaaradda iyagoo gelinaya dhismayaal waaweyn oo isugu jira Hotelo iyo dibu habayn adeegyadda madaarada ah oo ay ugu talo galeen in ay ku bedeshaan sidii ay madaarada Somaliland u isticmaali lahaayeen Duulimaadyada Shirkadaasi oo isku xidhi doona Barriga Dhexe iyo Galbeedka Afrika.
Illaa hadda Xukuumadda Somaliland qorshahan kamay hadal hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ay Waaheen ka helayso waxa uu qorshahani u baahan yahay in laga taxadiro isla markaana la is barbar dhigo khasaaraha iyo faa’iidada uu Dalka u leeyahay, waxaana soo baxaya walaac ay shirkaddaha Somalida ahi ka qabaan Shirkaddan Imaaraatiga ah.
Shirkadda ay Xukuumaddu wadahadalka kula jirto waxa iska leh mid ka mid ah Amiirada Imaaraatka Carabta, kaasoo doonaya in uu duulimaadyo cusub ka galo Barriga iyo Galbeedka Afrika, kuwaasoo la sheegay in uu heshiis kula soo galay Shirkaddo kale oo la sheegayo in ay Reer Galbeed yihiin.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamud Xaashi Cabdi ayaa toddobaadkan si rasmi ah u dhaqan geliyey in Carruurta da’doodu ka hoosayso laba jirka laga qaado $10-kii Doolar ee uu ka ansaxsaday Golaha Wakiiladda, kaasoo la hakiyey in Carruurta yar yar laga qaado kadib markii ay qaadi kari waayeen waalidiinta Reer Somaliland ee Qurbuhu culayska Lacagaha lagu soo rogay.
Tobanka Doolar ee uu wasiirku dhaqan geliyey ayaa durtaba qoysaska ka dhoofa am aka soo dagaya madaarkaas culays ku keenay, waxaana ka baxaya marka ay soo dagaan cabasho ay ku dalbanayaan in laga dhaafo.

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...