Skip to main content

Nicholas Kay oo Musharixiinta Puntland ku faray in ay ka Amar qaataan Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland


Muqdisho(Nuux kadiye) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa ka war ka soo saray shalay hanaanka doorashooyinka Puntland isagoona ku baaqay in tanaasulaad la isku sameeyo si horey loogu sii ambaqaado
.
Wakiilka UN-ka waxa uu ku baaqay mar labaad in hanaanka loo marayo doorashoyinku noqdo mid cad, iyadoona la mudeeyay waxana uu raacshay in baahida loo qabo xulida Barlamaanka cusub iyo weliba qabsoomida doorashada 08 Jan, 2014.
Mr. Kay ayaa yiri ‘’Iyadoo ay wakhtigii doorashooyinku soo dhowaadeen, dooda siyaasadena noqotay mid sii kululaatay, waxan ugu yeerayaa dhamaan musharaxiinta iyo inta daneysa Puntland gaar ahaan odayaasha dhaqanka inay si wadajir ah u shaqeeyan diyaarna u noqdaan mararka qaar inay isku tanaasulaan”.
Waxa uu ku booriyay musharaxiinta inay la shaqeeyaan taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere oo ah masuulka guddiga amaanka ugu sareeya.
Kay ayaa ugu musharaxiinta ugu baaqay inay ololahooda doorasho noqdo mid masuuliyad ku dheehantahay si looga gun gaaro doorashooyin si nabadgelyo ah u dhaca.
‘’Musharaxiintu waa inay xoriyad u leeyihiin socsocodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda, waana in si siman warbaahinta looga hadli karaa” ayuu ku daray.
Wakiilka gaarka ah ayaa hadalkiisa ku soo dhameeyay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula socon doonto Doorashooyinka Puntland, islamarkaasina dadaal weliba gelin doonto sidii looga taageeri lahaa Puntland qabsoomida doorasho xor ah, cadaalad & nabadgelyo ku dhacda iyo weliba loo dhanyahay.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.