Skip to main content

Dadka Naanaysta Leh Oo Madaxtinimada Iyo Shaqo Helida Kaga Fiican Kuwa Kale

(Bakinews) Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in dadka naanaysaha wanaagsan ee macne ahaan ku fadhiya mansabyo sare sida boqor, boqorad, caaqil ay helaan shaqooyin mansabyo sare leh amma inta badan ay noqdaan madax.


Dadka magacyada qiimaha badan leh waxay inta badan gadhaan meelo aad u sarraysa, gaar ahaan waxay madax u noqdaan meelahay ka hawlgalaan.



Natiijadu waxay timi kadib markii daraasad ay qaaday kulliyada ganacsiga ee Jaamacadda Cambridge, taasoo baadhitaan ku samaysay 223,000 (Laba boqol, saddex iyo labaatan kun) oo shaqaale oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Jarmalka.



Waxaanay ogaatay dadka leh naanaysaha ay ka midka yihiin Kaiser (hoggaamiye boqortooyo), Kving (boqor) ay inta badan ku guulaystaan mansabyo sare oo shaqo, halka dadka leh magacyada ay ka midka yihiin kuug (Koch), beeroole (Bauer) iyo Becker (roodhiile) ay inta badan qabtaan shaqo mansabyo hoose leh.



“Ifafaalahan wuxuu dhacay marka qofka loo bixiyo magaca qiimaha leh, balse dhabtu waxay tahay in magaca qiimaha leh muujin qiimo gaar ah,l” ayuu qoray qoraaga daraasadan.


Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.