Skip to main content

Booliiska oo xabsiga dhigay Guddoomiyaha Ururka qareenada Somaliland (SOLLA)

Hargeysa(Nuux kadiye ) Booliiska ayaa maanta xabsiga dhigay guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Foosi Sh Yoonis, kadib markii uu shalay diiday waaran ay Maxkamadda foosiSare ee ciidamaddu ugu soo jartay waaran Dacwad uu Qareen ka ahaa oo uu ka soo xaadiri waayey, kadib markii uu garsooraha Dacwadaas gacanta ku hayaa ka diiday in uu Dib ugu dhigo Dacwadda.
Qareen ka mid ah Ururka Qareenadda ayaa Waaheen u xaqiijiyey in ay Booliisku qabteen maanta Duhurkii iyagoo ku xidhay saldhiga Dhexe ee Hargeysa.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA Xasan Cali Xasan (Banfas) ayaa falkan ku tilmaamay mid sharci daro ah waxaanay warbaahinta u sheegeen in ay arrintan iyo arrimo kale oo dhinaca muranka sharci ee ka taagan Dalka ka hadli doonaan.
Guddoomiye Foosi ayaa waaheen shalay u sheegay in Garsooraha Maxkamadda Sare ee Ciidanku aanu sharciyad u lahayn xadhigiisa isagoo sheegay Qareenku in uu xaq u leeyahay haddii aanu fursad u haysan balanta Dacwada si uu uga  bugto in uu muddo u heli, taasoo uu ku eedeeyey in uu u diiday.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.