Skip to main content

Mucaaradka Koonfurta Suudaan oo qabsaday magaaladda Bor ee caasimada Gobolka Jonglei

Bor(Nuux kadiye) wararka ka soo baxaya dagaalka ka socda dalka Koonfurta Suudaan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dalkaasi Salva kheir iyo Maleeshiyo taabacsan Madaxweyne southku-xigeenkii uu xilka ka qaaday ee Riek Machar ayaa sheegaya in ay Mucaaradku qabsadeen Caasimadda Gobolka Jonglei ee Bor.
Wararka ka soo baxay Gobolkaasi ayaa sheegaya in ay soo food saartay dadka shicibka ah ee Gobolkaasi Dil iyo Barakac ay mucaaradku kula kaceen isad ay sheegeen saraakiil ku sugan Gobolkaasi.
Dagaaladda ayaa ku sii fidiya dalkaasi kadib markii dhawaan caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya Xukuumadda iyo Mucaaradkeeda oo salka ku haya dhinaca awooda dalka oo uu madaxweynaha Dalkaasi ku koobay qabiilkiisa oo kali ah.
Dhawr boqol oo qof ayaa barakacay, qaar kalena way qaxeen, halka xarumaha Qaramada Midoobay ay dad badani magansadeen, waxana la soo sheegayaa tirade dhimashada iyo dhawaacu inay kun kor u dhaaftay.
Ugu yaraan toban ka mid ahs iyaasiyiinta dalkaasi ayaa lagau soo waramayaa in ay xidhay xukuumadda ka talisa dalkaasi, waxaanay wararka ugu danbeeyaa sheegayaan in dagaalku ku sii fidayo gobolada Koonfur galbeed ee dalkaasi gaar ahana caasimadooda Torit. 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.