Skip to main content

Ururka Ardaa Oo Ka Mahad Celiyey Deeq Cagaf Sheewal ah Oo Ay Jaaliyada Ku Nool Dalka Sweden Ee Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal,Salal,Gabiley Oo Ugu Talagalay Dhismaha Dekeda Lughaya..(Sawiro Badan)

Borama(Nuux kadiye) Waxa maanta soo gaadhay gudida ARDAA eek u hawlan dhismaha dekeda Lughaya, deeq uu nooceedu yahay Cagaf Sheewal ah oo ay ugu soo yabooheen jaaliyada reer Awdal eek u nool dalka Sweden, cagatan ayaana loogu talo galay inay qayb ka noqoto dhismaha dekeda Lughaya, waxana ka qayb galay munaasibadan, xubnaha gudida dekeda ARDAA iyo daneeyayaal kale.
Gudoomiyaha ARDAA Sh. Xasan Daahir Dhawal oo isagu ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan Jaaliyada Awdal ee ku nool dalka SWEDEN oo iyagu deeqdan wax ku oolka ah ee cagaftan ah soo diray, waxa aan leeyahay sidii uu EEBE balan qaaday ha idinka dhigo mid barakaysan xoogiina, waxa kale oo aan sheegayaa in hawshu aanay intaasi ku dhamayn loona baahan yahay in la isasii qabsado gacmaha oo laga hawl galo sidii hawshaasi bilawga ah loo balaadhin lahaa loogana dhigi lahaa mid dadkeena anfacda”
Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay jaaliyadaha Sweden iyo Sucuudiga ee gobolada Awdal iyo Salal & Gabilay, waxana uu sheegay inay ka hayaan dadaal hiil iyo hooba leh oo ay ku barbarjoogaan dhismaha dekeda Lughaya, Sh. Maxamed oo la dardaaraya Jaaliyadahaas waxa uu yidhi “Dhamaan Jaaliyahada waxa aan u sheegayaa in loo baahan yahay in la isku daydo oo dadaalka la kordhiyo, hadii ay qaybo cagaf keeneen, qaybaha kale waa inay keenaan agabkii kala duwanaa ee ay ku dhaqaaqi lahayd dekeda dhismaheedu, waan idiin ducaynaynaa, waanan idinku kalsoonahay, waanan idinka sugaynaa taageero intan ka balaadhan oo ay dekedu u baahan tahay”
Eng. Bilaal oo isaguna ka mid ah gudida ARDAA ayaa ka waramay nooca cagaftan soo gaadhay waxana uu yidhi “Cagaftan waa mid cusub oo lacagta ku baxday ay dhan tahay 83500 oo doolar, way cusub tahay waxaanan u dooranay iyada oo hawsha aan ku qabanayno ka soo baxaysa, lamarkeeduna waa LW500K, waana mida ugu way nee dalka laga isticmaalo, baahiwayn oo ay dekedu qabto ayayna dabooshay, waanan u mahadnaqayaa dhamaan walaalaha soo bixiyay, waxana aan leeyahay, hawsha aan qabanaynaa waa midi ay dawladuhu qaban lahaayeen, hamiga aan hayno ee aadka u wayn ayaase u dhigma taas”
Marwo Aamina Cilmi Fariid oo iyaduna ka mid ah gudida ARDAA ayaa tidhi “Waa hawl ku dayasho mudan, waa mid ay jaaliyada Sweden ee goboladani isku xilqaantay, oo ay iyadu isku dirtay, kuna magacaaban tahay, waxa aan leenahay waan idiin ognahay, abaalna waxa idiin haya dhulkiina, waxana loo baahan yahay in la isku tashado oo gacmaha la is qabsado oo hawsha laga midho dhaliyo”
Hooyo Sacaada Nuur Geedi iyo haweenay kale oo qurbojoog ah oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa dhiiri galiyay dhamaan qurbojooga goboladan Awdal Salal iyo Gabilay, waxana ay ku amaaneen deeqdan hordhaca ah ee ay soo direen taasi oo ay sheegeen in lagu qori doono magac aan duugoobi doonin oo ah SWEDEN, sidoo kale waxa ay ka codsadeen jaaliyadaha kale ee goboladan ee ku nool dunida dacaladeeda inay is kaashadaan oo ay is guubaabiyaan oo ay deeqo tan la mid ah soo yaboohaan si loo qabyo tiro dhismaha dekeda Lughaya iyo kaabayaasha kale ee hormarinta ee u baahan wax ka qabashada.
DSC04712DSC04714DSC04715DSC04717DSC04720DSC04729DSC04730DSC04734DSC04740DSC04742DSC04743DSC04752DSC04754DSC04755DSC04757DSC04760DSC04761DSC04762DSC04764DSC04767DSC04768DSC04770DSC04771DSC04773DSC04774DSC04775DSC04776DSC04780

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash