Skip to main content

Tirada-Wariyeyaasha-Lagu-Dilay-Caalamka-Sannadkan-Dhammaanaya-Ee-2013


HargeysaNuux kadiye-Hay’adda wariyaasha aan xaduuda laheyn ayaa warbixin ay soo saartay oo ay kaga hadlaysay tirada wariyaasha dunnida lagu dhibaateeyay sannadkan gababada ah ayaa waxaa ay sheegtay in sanadkaan oo aan willi dhamaan dunida lagu dilay 71 wariye.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in sannadkan wariyaal badan lagu dilay wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Pakistan sida warbixintan lagu sheegay. Hay’adda wariyayaasha aan xaduudda lahayn waxay sheegtay in 71-ka wariye ee la dilay ay celcelis ahaan tahay boqolkiiba labaatan (20%), halka la xidhay in ka badan 826 wariye iyada oo sidoo kale loo hanjabay ama cago jugleeyey 2160 wariye. Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in 87 wariye lagu qasbay inay dalalkooda ka cararaan oo ay wadamo kale tagaan. 39% wariyaasha waxaa lagu dilay furimo dagaal waxaana ay ahaayeen wariyayaal warbaahin kala duwan u shaqeeya halka 8% ay ahaayeen wariyayaal madax banaan oo ay boqolkiiba afar 4% haween ahaayeen. Hay’addu waxay werwer badan ka muujisay korodhka beegsiga wariyaasha oo loo bar-tilmaamaysto shaqadooda oo kaliya sida warbixintaan lagu xusay. Xoghayaha guud ee ururka wariyaasha aan xaduuda laheyn Christophe Deloire ayaa sheegay inuu jiro korodh la xidhiidha in la beegsado wariyayaasha. Wadamada Saxaraha ka hooseeya oo uu wadanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay ugu horreeyo, waqooyiga Africa, gobolka Bariga dhexe, iyo wadamo kale oo Latine America ayaa ah wadamada ugu badan ee wariyayaashu tacadiyada kala kulmaan waxaana sanadkii labaad willi safka hore ku jira wadamada Soomaaliya, Syria iyo Pakistan halka qeybta hoose ay ka hogaaminayaan wadamada Philippine Mexico iyo Brazil. Xogtani waxay muujinaysaa in 71-ka wariye ee la dilay ay 37% u shaqaynayeen wargeysyo, 30% waxay ka tirsanaayeen Idaacado 30% Telefishino hal 3% ay websityo ka howlgalayeen. Hay’addani waxay ku tilmaantay dalalka China, Eritrea, Turkey, Iran iyo Syria inay yihiin 5ta dal ee hogaaminaysa wadamada wariyaasha lagu xidho ee haddana lagu jidh dilo. 

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.