Skip to main content

Tirada dhaawaca ee boolisku geysteen oo kor u kay nudaharaada ka socda koonfurta hargeysa

Hargeysa(Bakinews) Tirada dadka dhaawaca ah ee mudaharaadka Hargeysa ka socda ayaa gaadhaysa sadex qof oo mid ka mid ahi yahay ilmo yar oo laba iyo toban jir ah oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe C/rashiid C/laahi.

P1060380Ilmaha yare e dhaawaca ah ayaa la gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa kadib markii ay Ciidamadda RRU-du ku toogteen agagaarka dugsiga Maxamuud Axmed Cali ama Hotelkii If iyo Aakhiro, waxaanu mid ka mid ah dadkii shicibka ahaa ee qaaday Bakinews u xaqiijiyey in ay Lugta kaga dhacday.
Labada Qof ee kale ayaan illaa hada la xaqiijin cida ay yihiin hase yeeshee waxa iyana haleeshay sida ay dadka goobta joogaa sheegayaan rasaasta ay Ciidanku faraqayaan.
Dadweynaha gadoodsan ayaa soo riixay ciidanka RRU-da oo ay wehelinayeey Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliisku, waxaanay ku soo dhawaadeen biriijka dhexe ee Hargeysa halkaas oo ay isku hor joogaan dadka iyo Ciidanku.
Booliiska Saldhiga Dhexe ayaa iyana xamaasad kale badhtamaha magaaladda hargeysa ka bilaabay kadib markii ay is hortaageen mid ka mid ah gaadiidka dhaawaca siday oo ay moodayeen dadka mudaharaadaya, sidoo kale basas arday siday ayey joojiyeen waxaanay sii cakirtay xaalada jidka badhtamaha magaaladda halkaas oo ay dadweynihii iyo baabuurtu ku xaniban tahay.
Si kasta ha ahaatee mudaharaadka iyo rabshadaha biyo la’aanta ka dhashay ayaa wali taagan, waxaana socda gadood ay dadweynuhu ku diidan yihiin biyo la’aanta iyo qaabka ay xukuumaddu u maamushay oo ay ku tilmaameen mid maamul xumaysatay.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.