Hargeysa(Bakinews) Tagsiilayaasha madaarka Hargeysa ayaa mudaharaad ka hor dhigaya inta u dhaxaysa kantaroolka u dhaw Hotelka Ambassador iyo jidka gala madaarka, waxaanay ka cabanayaan wasiirka Wasaaradad duulista Hawada oo madaarka heshiis kula galay in ay ka shaqayso shirkadda tagaasida kiraysa.
Tagsiilayaasha ayaa mudaharaadkooda ku muujinaya gaadiidkooda ay oo ay taxeen wadada hareeraheeda iyagoo naawilaya in ay xukuumadda soo dhex gasho iyaga iyo Wasiirka, hase yeeshee illaa hada wax talaabo ah oo la qaaday ma jirto.
Tagsiilayaasha mudaharaadaya ayaa ah kuwii hore uga shaqaysan jiray madaarka hase yeeshee wasiirka ayaa wata qorshe uu ku tilmaamay inuu ku casriyeynayo madaarka isla markaan uu ku doonayo in uu ku sugo nidaamka Amniga iyo kala danbaynta.
Tagsiilayaasha hore ayaa iyagu lahaa guddi kala hagta hase yeeshee baabuurta ay isticmaalaan qaarkood ayaa u muuqda in ay yihiin kuwo gaboobay, inkasta oo duruuftu ku kaliftay.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah