Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Degamada ayaa sheegaya in Dagaalku uu geestay Khasaare farabadan.
Dagaalka ayaa Salka ku haya hadalkii Habeen ka hor ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ahaa in la toogto Qofkii lagu arko asagoo Isbaaro u taalo. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Weeraray Ciidamo kale oo ayaguna ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo Isbaaro dhigteen Duuleedka Afgooye.
Inta laxaqiijiyey Dagaalka waxaa ku dhintay 11-Ruux oo 7 kamid ah ay yihiin Ciidamadii dagaalamay iyo 4-kale oo ahaa Dad Shacab ah, waxaana dhaawaca lagu Qiyaasay 16 oo u badan Dad Shacab ah sida Keydmedia Online ay u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dhaawacyada Qaar kood ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ,halkaa oo xaaladooda lagula Tacaalayo.
Warka ayaa intaa ku daraya in wali ay Goobta lagu dagaalamay ay ka jirto Xiisad iyo Hub aruursi u dhaxeeyas Dhinacyadii Dagaalamay.
Degmada Afgooye, waxa ay 30 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga taallaa Magaalada Muqdisho, waxaana ka jira Maamul ay DFS u magacawday, balse sugida Amaankeeda gacan ka gaysan
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah